Sign in to follow this  
Deeq A.

Howl-galkii Rajo-dhiska Amniga iyo Nabad-gelyada Magaalada Xarardheere oo Mira-dhalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Xarardheere waxay 500 oo KM fogaan ahaan u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxeyna kaalimaha hore kaga jirtaa magaalooyinka caanka ku ah xadaaradda oo ay ku noolyihiin bulsho ilbax ah, xaafadaha ay magaaladu ka kooban tahay waxaa ugu waa wayn sida sooyaalkeeda ku qoran xaafadda Howlwadaag iyo Wadajir.

Xarardheere waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waa wayn goabalka Galmudug, ka dib magaalada Hobyo. Bulshada deggan magaalada qaddiimiga ah ee Xarardheere waxay u badan yihiin dad ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool, beeraha iyo kalluumeysiga.

 Xarardheere waa degmo dhacda deexda gobolka Mudug, waxay xigta dhanka xeebta iyo dhinaca qorrax ka soo bax bari ee gobolka Mudug. Waa degmo barwaaqaysan kana heli kartid waxyaabaha ay naftu jamato, waxaana u sii dheer in ay tahay degmo dalxiiseed qaboow, xagga nulosha waxay ka mid tahay degmooyinka maanta ugu qaalisan marka ay noqoto dhinaca nolosha degmooyinka Soomaaliya, maaddaama ay xeeb dhacdo, dhul bannaan oo hawo iyo neecaaw qabow lehna ay ku taallo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Shacabka ee xaq u diriarka ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay kalana wareegay kooxaha Araggaxsiida 16-kii Jannaayo 2023. Kooxaha argaxisada waxey gacantooda ku jirtay in ka badan 14 sano, waxeyna  la wareegayn sannadkii 2010, ka horna waxaa gacanta ku hayay kooxihii burcad badeedka ee xeebaha Soomaaliya iyo badweynta ka fogba maraakiibta ka afduuban jiray. Duruufahaas ay magaaladu muddo la dhaalaa-dhacaysay ee isugu jira gummaadka argaggixisada, kooxihii burcadda ahaa ee ka horreeyay, horumar la’aanta magaalada ku habsatay iyo in ay inta badan ka soo hayaameen dadkii deegaan ahaan ka soo jeeday waxay sababeen in magaaladu ay kobac iyo horumar ahaan ka harto magaalooyinka kale ee asaaggeeda ah.

Bulshada magaaladaa qadiimiga ah waxey wehal u ahaayeen aragtiyada qaldan iyo dhaqamada aan sal iyo raad ku laahayn diinteenna suubban iyo dhaqankeena wanaagsan, waxayna ku cadaadiyeen bulshooyinkii udub dhaxaadka u ahaa magaalada si xoog ah ayay ugu qasbeen afkaartooda qarriban, sida waxbarashada carruurta qofka diidana ay dhibaato u geystaan taasi ayaana horseedday in dadku ay ka cararaan magaaladii oo ay isku baddasho meel lama degaan ah.

Maxaa ka muuqda dhinacyada kala duwan ee bulshada

Waxaayabaha la taaban-karo ee magaaladaasi ku soo kordhay waxaa ka mid ah;- sida dowladda iyo shacabkii oo si wadajir ah ugu sugan, nolosha oo si caadi ah ku soo laabanaysa mar-ba marka ka dambeysa, horumarrada kale bulshada oo soo kabanaya, sida; Waxbarahada dowliga ah, tan gaargaarka, ganacsiga oo furmay, xarumaha caafimaadka, iyo nidmaaka dowliga oo laga hirgaliyay

Sidoo kale, adeegyada bulshada aas-aasiga u ah gargaarka bani’aadinnimada, Maxkamadaha iyo saldhiggii Police-ka ayaa dib loo howlgeliyay, kaas oo ah astaanta ilaalinta nidaamka iyo kalsooni dhiska  nabadda magaalada iyo Amnigeeda si loo dar-dargeliyo, dhan kale waxaa socdaalo kala duwan ku tegay qaar ka mid ah madaxda sare dalka sida; Madaxweynaha JFS Soomaaliya Mudane Dr. Xasan sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmuud Mudane Axmed Cabdir Kaariye Qoor Qoor iyo xubna ka tirsan golayaasha dowladda heer fedraal iyo mid maamul.

Caqabadaha jira maxaey yahiin?

Tan iyo markii magaalada laga wareegay kooxaha nabad-diidka, waxaa mararka qaar ka dhaco isku da’ayaan dagaal ay kusoo qaadaan Khawaariijta, si ay gacanta ugu dhigaan balse taasi ay gaashaanka ku dhuftaan Ciidamada Dowladda iyo shacabka xaq-u-dirarka  deegganka. Sidoo kale caqadaha kale ee jira adeega dowladda oo heerkii loogu talagalay oo aan gaarin sida barnaamijka xasilinta oo laf-dhabar u ah nolasha caadiga deegganka. Wacyiga bulshadaa oo wali aan la qabsan nidaamka dowliga ah, waxaa kale ka xusi karaa magaalada oo  qaadi ladahay barkaca ugu yimid tuulloyinka hoos yimaada magaalada oo kasoo barkacay kooxaha nabbadiidka iyo hanaanka Dib-u- heshiisiinta  bulshooyinka deggan magaalada Xarardheere.

14-kii sanno ee ganacta ugu jireen magalaadan kooxahaasi waxaa ka muuqado raadad fara badan oo aan ka xusi karno bilicada magaalada, sida Wadooyinka la, aan,  bururu xooggan xarumaha dowladda iyo kuwa bulshooyinka degganaa ka cararay dulmiga kooxahaasi.

Maxay tahay rejada ka bidhimaayso Xarardheere?

Waa magaalo u diyaarsan horumar qeyb walbo sida dhameyntirka heykalka dowladnimada sida dhismaha Golayaasha deeggaanka, daadajinta adeegyada dowladda, maalgashiga Soomaalida qurbajoogta iyo mid caalami ah intaba, haddii si buuxda loo xaqiijiyo inta yer ee ka hartay, sidoo kale mabaadii’da adkeynaya jiritaanka dowladnimada iyo tiirar kale oo udub dhaxaadka u ah rejada soo noolaynta Xaradheere.

Si kastaba waxayaabaha saldhiga u ah nabad iyo horumarka la gaari karo waxaa kow u ah wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha Amniga oo si buuxda ugu wada shaqeeyo nabaddooda, bulshada oo dhinac walbo uga soo horjeesato wax walbo oo dhaawac u keeni kara nabadgalyadooda iyo hagaajinta nidaamka wadajirka ah.

Abdirashid Nur Ibrahim.

Senior Journalist, Communication and Media Expert.

Email: Cabdirashiid88@gmail.com

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this