Deeq A. Posted June 14, 2024 Luzern (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Switzerland uga qeyb galay shirka nabadda iyo ganacsiga oo muhiim ah Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO). Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya, taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah” waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaanada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururrada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Sidoo kale Madaxweynahaa ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka. The post Ujeedka Xasan Sheekh u tegay Switzerland + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites