Sign in to follow this  
Deeq A.

GAZA: Israel oo duqaymo ka wada marinka Rafah oo raja xumo laga muujinayo Xabbad-joojinta

Recommended Posts

Deeq A.   
raf4-860x573-1.webp?resize=860%2C573&ssl

Ciidanka Israel oo ku hubeysan diyaaradaha dagaalka ayaa weerar ku qaaday marinka Rafah, iyadoo dagaalyahanada Falastiiniyiinta ay la dagaalamayaan ciidamada lugta Israel oo ku guda jira dagaallo dhanka waddooyinka ah.

Ugu yaraan 14 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaza.

Kooxda Hezbollah ayaa soo bandhigtay diyaarad weyn oo aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ay ku bartilmaameedsatay saldhigyo milatari oo ku yaala waqooyiga Israel.

Waxaa jira cabsi laga qabo in isku dhacyada xudduudaha ay keenaan dagaal dhan walba ah,kadib markii ciidanka Israel ay fuliyeen duqeymo lagu hoobtay oo ka dhacay koonfurta Lubnaan .

Dhanka kale, Madaxweyne Biden oo ka jawaabaya su’aallo ay weydiiyeen saxaafiyiinta ayaa u sheegay in aanu filaynin in uu arko heshiis xabbad-joojin ah oo mustaqbalka dhow ka hirgasha marinka Gaza.

Ugu yaraan 37,232 qof ayaa la dilay, 85,037-na waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

PUNTLAND POST

The post GAZA: Israel oo duqaymo ka wada marinka Rafah oo raja xumo laga muujinayo Xabbad-joojinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this