Sign in to follow this  
MoonLight1

Geedi critisizes the TFG while his house is LOOTED.

Recommended Posts

Prof. Geeddi oo ka hadlay dagaalada Muqdisho maalin kadib markii Gurigiisa ay u dhaceen Xoogaga Mucaaradka

 

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ka hadlay dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho, isagoona dhaliil adag u jeediyay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweynaha Sheekh Shariif.

 

Cali Maxamed Geeddi oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegay in Dowladda ay lumisay fursad weyn oo ay isku difaaci kartay, taasoo ugala jeediyay inay dayacday cududii milateri ee ay uga tagtay Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf.

 

"Dowladda Madaxweyne Shariif waxay lumisay fursad weyn oo ay isku difaaci kartay, kadib markii ay Dowladii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka dhaxashey cudud milateri oo isugu jirta hub iyo ciidan aad u xoogan balse ma garanayo halka ay ka baxday awoodii ay Dowladii hore isku difaaci jirtay"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Geeddi sanadkii 2004-ta Ra'iisul Wasaare ka soo noqday Dowladii lagu dhisay Kenya.

 

Prof. Cali Geeddi ayaa sidoo kale waxaa uu dhaliil u jeediyay siyaasada ay ku howl gasha Dowladda kadib markii uu sheegay inay dayacdo fursado weyn isagoona sheegay inay haatan jirin dib u heshiisiin la yagleeli karo, bacdamaa uu sheegay inay meesha ka baxeen dadaaladii dib u heshiisiinta markii Kooxaha Islaamiyiinta ay wiiqeen inta badan awoodii Dowladda.

 

Waxaa uu ku eedeeyay in dagaalada ay ka dambeeyay kooxo uu ku sheegay in aanay dooneyn qaranimada soomaaliya isagoona intaa ku daray in dagaalada ay ku lug leeyihiin waxa uu ugu yeeray dagaalyahano shisheeye oo dambiilayaal.

 

Kooxaha Mucaaradka ayaa inta badan la wareegay Magaalada Muqdisho, iyagoo soo gaaray meel ay horay ugu xooganeyd markii uu Ra'iisul Wasaaraha ahaa Prof. Geeddi hase yeeshee hadalkiisan ayaa ku soo beegmaya xilli Gurigii uu ka deganaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada C/casiis ay u dhaceen Kooxaha Mucaaradka markii ay soo qabsadeen inta badan Deegaanada Waqooyi.

 

jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

" Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar C/rishiid labaduba waxa ay qaladaadyo ay og yihiin, waana wax cad mahan wax la qarinayo, horay dowladii Nuur Cadde ayaa qalad gashay oo heshiis lagashay kooxo ku balan furay rag ay mudo saaxiibo ahaayeen, markaas ma garan karo waxa hada loo dagaalamayo oo aan ka aheyn caqli xumo heysa dhinacyada, waxa ayna dhinacyadu gabi ka tuurayaan in ay Soomaali dambe isku timaado" Ayuu yiri Raysalwasaarihii hore ee dowladda Soomaaliya.

 

Geedi oo la weydiiyey waqtigii uu Raysalwasaarahaa halka ay joogeen mucaaradka dowladda ayuu sheegay in wax lugu qoslo iyo khibrad la'aan ay tahay in Aqalka Madaxtooyada looga taliyo loo jirsado masaafo aan ka badneyn 2 KM, taasoo uu sheegay in ay iskugu wacan tahay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in aysan Saraakiisheeda ciidamadu aysan isku calool-xaarneyn.

 

Hadalkan ka soo baxay Raysalwasaarihii hore ee dowladda faderaalka ee Soomaaliya Prof, Cali Maxamed Geedi ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu dambeeyey ay mucaaradka hubeysan ee dowladda Soomaaliya ay qabsadeen saldhigyo dagaal oo kuyiilay waqooyiga Muqdisho, halka ay Muqdisho oo dhan uga dhiman tahay dhul aan ka badneyn 9

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this