Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in ay bixinayso magta marxuum Axmed Saxane oo lagu dilay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
puntland_coat-1159x720-1.jpg?resize=1000

Dowladda Puntland ayaa ballan-qaaday bixinta magta marxuum Axmed Saxane oo dhawaan lagu dilay magaalada Garoowe.

Qoraal ka soo baxay wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland bixinayso magta marxuum Saxane.

Alle ha u naxariistee marxuun Axmed Saxane ayaa ku dhintay hawlgal ciidamada amniga Puntland ka sameeyeen caasimadda Garoowe.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumaddu bixinayso kharashaadka daawaynta dad kale oo ku dhaawacay hawlgalkaasi ciidan.

Halkan ka akhriso qoraalka

Messenger_creation_51ea28ce-2815-4fa8-85

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in ay bixinayso magta marxuum Axmed Saxane oo lagu dilay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this