Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Fahad kusoo oogay dacwaddii uu Farmaajo ka carooday oo xil loo magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdalla-Cabdalla-Fahad-Farmaajo.png?fit

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed u magacaabay Taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ninkan oo beddelaya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa horey usoo noqday taliye ku-xigeenka hay’adda NISA, ayada oo shaqada laga eryay waqtigii dowladda madaxweyne Farmaajo.

Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa lagu xasuusta inuu shaqadiisa ku waayay dacwad uu xilligaasi ka gudbiyay Fahad Yaasiin, isaggoo sheegay inuu Fahad la shaqeeyo kooxo argagixisada, uuna cadeymo hayo.

Madaxweyne Farmaajo oo markaasi ka carooday dacwadda uu Cabdalla Cabdalla ka gudbiyay Fahad ayaa xilligaasi ka qaaday xilkii iyo weliba darajaddii ciidannimada.

Ninkan oo dib u helay darajadiisi ciidamo kadib dib usoo laabashadii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana haddana loo magacaabay taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka ilaaladda gaarka ah.

Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa xajiisay in xilkii laga qaaday, uuna beddelay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, iyadoo qoraal ay soo saartay ciwaan uga dhigtay “Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto.”

“Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee!,” ayey Jeneraal Zakiya ku tiri qoraalka ay ku shaacisay in Cabdalla Cabdalla lagu beddelay.

Cabdalla ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka 30-kii Ogoosto 2022.

The post Ninkii Fahad kusoo oogay dacwaddii uu Farmaajo ka carooday oo xil loo magacaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this