Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo joojisay qorista iyo ansixinta dhammaan shaqaalaha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpeg?resize=1000%2C666&ssl=1

Dowlada Puntland ayaa joojisay dhamaan qorista, magacaabista, ansixinta iyo wax ka bedelka shaqaalaha Puntland.

Amarkaan ayaa kasoo baxay Madaxweyne Siciid Deni, sidda lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Puntland Jaamac Faarax Boos.

Wasiirada cusub ee dhawaan la magacaabay ayaa qaarkood bilaabay inay qoraan shaqaale cusub oo u badan dad ay iyagu wataan. Sidoo kalena waxay sameeyeen in shaqaalaha qaarkood ay boosaaskooda ka bedelaan.

Talabaadaas ayaa meesha ka saaraysaa in shaqaale tiro badan layska qoro, wasiirada yo madaxda hay’adaha madaxa banaana ay awood u yeesheen ku tagrifalka xaquuqda shaqaalaha.

Halkan ka akhriso warqadda

HAKIN-SHAQAALAYSIIN_240612_194538.jpg?re

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo joojisay qorista iyo ansixinta dhammaan shaqaalaha cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this