Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

The ugly and brutal side of dagaal for you

Recommended Posts

Dhacdo naxdin leh

 

Waa muuqaalo argagax leh, dadka qaarkiina aysan indhaha u dhameyn Karin, waa mid ka mid ah xadugudubyada ka dhaca magaalada Muqdisho oo ay sababaan dagaallada aan dhamaadka laheyn.

 

Mar aan booqday Isbitaalka Madiina oo inta badan la gaarsiiyo Dhaawacyada dadka ku waxyeeloobay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaan waxaan la kulmay wiil 8 jir ah oo ay dhakhaatiirta iyo dadkii ehelka u ahaa ay dul tuban yihiin, markii aan damcay in aan fiiriyo ayaa waxaan u dhameyn waayey aragtida, waayo wiilka 8-jirka ah waxa uu ka burburay afka Sanka iyo mid ka mid ah Indhihiisa, kadib markii isaga iyo Hooyadii ay ku dhaawacmeen dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Dr. Cumar Akram oo ah dhakhtar u dhashay wadanka Qadar, dhawaanna hawl samafal ku soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa mar aan la kulmay waxa uu sheegay in aan wiilkaan waxba looga qaban Karin dalka gudihiisa, waayo ayuu yiri qalabkii lagula tacaali lahaa ayaan oolin isbitaalka Madiina, waxa uuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool iyo hay’adaha Samafalka in ay gargaar deg deg ah u fidiyaan wiilkaasi, isagoo ku tilmaamay in ay tahay dhacdadii ugu xumeed ee uu la kulmo mudadii yareed ee uu ka hawlgalayey isbitaalka Madiina.

 

Wiilkaan oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho isaga iyo hooyadii waxay ku dhaawacmeen Rasaastii ay isweydaarsanaayeen dhinacyada Muqdisho ku dagaallamaya, waxaana sida sawirka kaaga muuqda halkaasi ku dhaawacmay Hooyada dhashay wiilka oo lagu magacaabo Saafi Max’ed Shidane oo gacmaha kor u haysa iyada oo barooraneysa kadib markii ay wiilkeeda oo afku , sanka iyo Il maqan yahay sida aad sawirka ka arki karto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddaba ciddii dooneysa in ay caawiso wiilkaas iyo hooyadii oo ka soo jeeda qoys danyar ah, waxa ay la soo xiriir karaan taleefoonka aabaha dhalay wiilka oo ah:

 

Aabbe Max’ed Maxamuud Cumar

 

Tel: +25215102092

Tel: +252162331744

 

Ama

 

Amiin Yuusuf Khasaaro

 

amiinkhasaaro@hotmai l.com

+25215532494

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this