Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: NISA oo xabsiga dhigtay timo-jarayaashii Kaaraan iyo arrin yaab leh oo loo haysto

Recommended Posts

Deeq A.   
NISA.jpeg?fit=1920%2C1080&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xiray oo albaabada isugu dhuftay xarumihii baalbayeeriyaasha ama Timaha lagu jara jiray ee ku yaalay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan NISA oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xabsiga u taxaabay dhammaan timajarayaashii ay ugu tageen goobahooda shaqada.

Howlgalkaas waxa uu ka dhacay laga soo billaabo isgoyska Sanca ilaa Xaliimo Hiite ee degmada Kaaraan.

Qaar ka mid ah dadka ay arrintan samaaysay ayaa sheegay Caasimada Online u sheegay in aysan jirin sharraxaad ay ciidamadu ka siiyeen tallaabadan, isla markaana aysan garaneyn sababta loo xiray timajarayaashii ka shaqeynayey degmada Kaaraan.

Xogo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in lagu haysto qaabka ay tinta u jaraan, booliska Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay dhalinyarada ka mamnuuci doonaan in si xun ay tinta u jartaan, balse askarta ayaaba u xiirta habka la dhaliilayo.

Hay’adda NISA, boos kuma laha canshuuraha, toosinta anshaxa guud iyo dhowridda kala dambaynta, waxayna ehellada dhalinyarada la xiray qabaa tabasho weyn, maadaama la iska xirtay rag u shaqo tegay nolol maalmeedkooda oo canshuur bixiyaal ah.

Waajibaadka NISA, waa inay dabagasho, soo qabato, oo haddii loo baahdana la dagaallanto nabad-diidka, sida Al-Shabaab iyo Daacish, waa marka ay joogto mukhabaaraadka gudaha, dibadana waa inay xooraan ka keento dowladaha cadowga ah ee doonaya inay carqaladeeyaan nabadda wadanka.

The post Xog: NISA oo xabsiga dhigtay timo-jarayaashii Kaaraan iyo arrin yaab leh oo loo haysto appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this