Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo beeniyay in uu duqayn ku dilay dhaqaatiir u dhashay Cuba oo Shabaab af-duub u haysteen

Recommended Posts

Deeq A.   
cuban1.jpg?resize=680%2C382&ssl=1

Maraykanka ayaa sheegay in aysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo al-Shabaab laga soo xigtay in ay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykankka 15-kii Febraayo ee sannadkan.

Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Mataykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid.

Labada dhakhtar oo la kala yiraa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa Al-Shabaab ay kasoo afduubeen bishii April 2019-kii Waqooyi Bari Kenya.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo beeniyay in uu duqayn ku dilay dhaqaatiir u dhashay Cuba oo Shabaab af-duub u haysteen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this