Qudhac Posted January 12, 2005 Jabuuti (Jam)- Weftigii Wasiirada Somaliland ee booqashada ku joogay Jabuuti, ayaa shalay la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Jibuuti, Mr. Helland iyo Sarkaakiil Sar-sare oo ka tirsan ciidamadaasi. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, kulankaas ay weftigu la yeesheen Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jibuuti waxa lagaga wada hadlay Xaaladda Ammaanka Gobolka Geeska Afrika iyo sidii iskaashi ay uga yeelan lahaayeen Somaliland iyo Maraykanku dhinaca ammaanka. Waxa kale oo ay waftiga Somaliland iyo saraakiisha Maraykanku ka wada hadleen sidii tababaro loo siin lahaa Ciidamada Ilaaliya Xuduudaha iyo Badda Somaliland. Warku waxa uu sheegay in weftigu ay isla shalay la kulmeen Safiirka Dawladda Maraykanka u fadhiya dalka Jibuuti, Mrs. Margueriti Dianne, taas oo ay uga warameen Xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada Arrimaha Bulshada, waxaana ay weftigu ka codsadeen inay dawladda Maraykanku Somaliland ka caawiso Doorashada Baarlamaanka. Quote Share this post Link to post Share on other sites