Sign in to follow this  
miles-militis

Riyaale’s Epigrammatic Tenure Appraised

Recommended Posts

Halkeebu marinaya Madaxweyne Daahir Rayaale Somaliland 17 bilood ka dib

Jam( London) Muddo imika la joogo 17 Bilood ayey ahayd markii madaxaweyne Daahir Rayaale Kaahin Hantay Jagadda ugu mudan ee madaxweynimadda Somaliland, ka dib markii uu geeryooday Alle ha u naxariiste madaxweyne Cigaal, haddaba tan iyo markaasi dadka Somaliland waxa soo wajahay isbedel kala duwan, tusaalena aynu u soo qaadan karno doorshooyinkii taariikhiga ee dalka ka dhacay. Taasi oo shacbiga Somaliland ay ku rajo weynaayeen in ay furi doonto Cahdi Cusub oo la tisqaada caalamka aynu haatan ku nool nahay. Tafatiraha Wargeyska Jamhuuriya London Cabdixakiim Maxamed Sheekh ayaa waxa uu hadaba dib u yare jaleecay waxyaabihii madaxweyne Daahir Rayaale ku gadaanaa tan iyo markaas.

Hadaba Inta aynaan maqaalkan dulucadiisa u dhaadhicin waxa yara haboon in aynu wax ka oogaano taariikhda dhow ee madaxweyne Rayaale. Madaxweyne Rayaale muu ahayn nin si toos uga dhexe muuqda siyaasadda Somaliland intii ka horaysay shir beeleedkii Hargeysa (1997), isla sannadkaasi ayaa tooshku qabtay Daahir Rayaale, ka dib markii Cigaal uu soo bandhigay in uu u noqdo madaxweyne ku xigeenkiisa isaga oo ka diga rogtay C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo jagadda hayey 1993 ilaa 1997kii.

 

Wakhtigaas oo aad moodaysay in khilaaf weyni soo kala dhex galay Madaxweyne Cigaal iyo wasiiradiisii ugu muhiimsanaa ee salka u dhigay xukuumadii marxuun Cigaal ee u horeysay.

 

Si kastaba ha ahaate markii jagada madaxweyne xigeenka Daahir loo doortay iyo intii madaxweynaha uu noqoday muu ahayn nin loo arko siyaasi cabqari ah, laakiinse arrintaasi waxay is badashay maalintii loo dhaariyay madaxweynimadda oo shacbiga Somaliland qaateen fikradda ahayd in uu isbedel hor leh la imin karo, taasi oo bulshadu ay guud ahaan ay filaysay in uu furmay daah cusub oo wax tar leh. Waxaana la is lahaa waxa sii badhi taari doona markii mucaaridkii mayalka adkaa ee sida ba’an ugu soo horjeeday xukuumaddii Cigaal ee Daahir dhaxlay ay muujiyeen in ay barbartaagan yihiin xukuumadda wakhtiga cusub.

 

Haddaba su’aasha isweydiinta lihi waxa weeye madaxweyne Rayaale oo dadka intiisa badan u arkayeen nin da’ayar oo ka tarjumi doona siyaasadda faca cusub sidii la fillayay ma uga faa’iideystay fursadan qaaliga ah ee aanu madaxweyne kale oo reer Somaliland ahi helin? Bal jawaabta aynu kala soo dhex baxno dhacdooyinkan u danbeeyay ee Somaliland soo maray tan iyo intii ka danbaysay doorashada.

 

Beryahan danbe waxa soo if baxay xaaladdo culus oo baahan in la iftiimiyo waxaana fiican in aynu qodob qodob u kale qaadno.

 

 

1. Bariga Somaliland (Sool iyo Sanaag Bari): Waxa uu si cad gacanta ugu galay Maamulka Cabdilaahi Yuusuf, waxaana maalinba maalinta ta ka danbaysa uu Maamulka uu ku soo durkayaa gudaha Somaliland, iyaga oo ka bilaabay meelo badan oo dalka ka tirsan in ay cashuur ka qaataan, taas oo Maamulka Rayaale uu ka baaqsaday in ilaa imika uu talaabo rasmi ah ka qaado, taas oo hadaan wax laga qaban halis ku ah midnimada iyo qaranimadii Somaliland.

 

 

2. Badhi Furka Balantii Shacbiga: Waxaa uu Madaxweyne Rayaale uu dadweynaha ugu sheegay fagaaraha Khayriyada xiligii ololaha doorashadu uu socday in haduu guulaysto uu soo dhisi doono dawlad kooban oo tayo leh, isaga waliba carabka ku adkeeyay markii doorshadda uu helay ka dib waraysi uu siiyay BBCda Kuna sheegay dawladd tayo leh oo waliba kooban. Nasiib darro Madaxweynuhu waxa uu ballantaas uga baxay si cad isaga oo soo dhisay dawladii ugu tayada xumayd uguna tirada badnayd ee soo marta taariikhda Somaliland, marka laga reebo dhawr Wasiirna, waxayna af kala qaad ku noqotay ruux kasta oo dareen iyo damiir wadanimo ku jiro.

 

 

3. Xidhiidhkii Itoobiya iyo Somaliland oo si weyn hoos ugu dhacay:

 

Tan iyo intii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Rayaale waxaa soo if baxay in uu hoos u dhaco xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee u dhaxeeyay labada dal, taasina waxay culays weyn oo dhinac kasta ah saartay ganacsatadii Somaliland oo ay Itoobiya u ahayd isha kaliya ee u furan tan iyo intii xayiraada ay carabtu ku soo rogtay Xoolaha Soomaalida. Inkasta oo ay xukuumadu ay marar badan ku celcelisay in xidhiidhku sidii yahay laakiinse dhacdooyinku waxay ina tusayaan in xukuumada Rayaale ku guuldaraysatay kor u qaadida xidhiidhka labada dal.

 

 

4 Maamulka oo maareyntiisu xumaatay: Doorashooyinkii dalku galay ka dib waxa soo if baxay tayo dhac iyo jileec ku yimi maamulka dawliga ah, sida inoo muuqatana ay madaxa iyo mijaha iskula jiraan taasina waxay ka muuqataa Wasaaradaha iyo xarumaha maamulka dawladda.

 

 

5.Lunsiga Hantida iyo Laaluushka: Inkasta oo xukuumadda Cigaal lagu eedayn jiray musuqmaaq haddana waxaad mooda intii xukuumadda Rayaale Jirtay in uu Musuqmaasaqu uu kor u kacay oo la caadaystay lunsashada hantida qaranka, masuuliyiinta dawlada intooda badanina ay u tafo xayteen in ay ka fara qabsadaan shilimada yar yar ee cashuurta ah ee laga soo ururiyo danyarta suuqa tamaandhada iyo saliida ku iibisa, ee cadceeda lix ilaa ka lix u fadhiya. Waxaana uu Madaxweyne Rayaale ka gaabiyay inuu wax ka qabto, inkasta oo marar badan uu ku celiceliyay inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa.

 

 

6. Go'aan Qaadasho La'aan iyo Gudoon Jilicsan:

 

Madaxweyne Rayaale waxa uu muujiyay mudada uu xilka hayay go'aan jileec iyo in aanuu fulin karin xilkii loo igmaday loona dhaariyay oo ahayd ilaalinta dastuurka iyo maslaxada dalka, arrinta halista ee Rayaale caadaystay waxa ugu daran inuu Dhegaha ka xidho wax kasta oo u baahan in jawaab uu ka bixiyo lana socodsiiyo dadweynaha kolba xaal sida uu yahay. Mida kale dadka siyaasada indho indheeyaa waxay isku raacsan yihiin fikradda odhanaysa in Rayaale marka hore dadka talooyinkooda uu dhagaysto, laakiine markay timidaado ficilka wax sidaas ah kama qabto waxa lagula taliyo ee loo soo bandhigo.

 

 

7. Jabinta Dastuurka Qaranka: Arrinta ugu khatarsan ee uu Madaxweyne Rayaale ku kacay mudada uu xilka hayay waxa ay tahay isaga oo si cad u jabiyay dastuurka qaranka ka dib markii uu dhegaha ka furaystay inuu shaqada ka joojiyo Wasiirrada Baarlamaanku uu diiday ansixintooda oo ilaa maanta shaqadoodii sii wata, taasoo khilaafsan dastuurka dalka. Madaxweyne Rayaalena waxay ahayd inuu ogaado in aanu ku iman xeelad kale ee uu ku yimid dastuurka qaranka ee ay u codayeen 97%. Markaa waxa looga baahan yahay in sidii laga yeelay u ka yeelo mujtamaca Somaliland, gaar ahaan masuuliyiintii markaasi arrinku ka soo go’ayay, dib hadaynu u jaleecnana waxa xusid mudan erayadan " Waxaa la soo qaatay dastuurka qodobkiisa 86aad oo sheegaya xaalada ay ku banaanaan karto, waxaa kale oo la eegay qodobka 89aad ee dastuurka oo sheegaya habka loo buuxin karo madaxweynanimada" Sidaas waxaa yidhi Gudoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cabdilqaadir Jirde isaga oo ka hadlay xafladii loogu caleema saarayay Daahir Rayaale madaxweynanimada Somaliland saacado yar ka dib markii la xaqiijiyay geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal Ilaah naxariistii janno haka waraabiyee.

 

Haddaba waxay arrintani u muuqataa maahmaahidii Soomaaliyeed odhanaysay “Sidaan kuugu lisay iigumaad hambayn” Mar hadii uu arrin maanta marayo in Madaxweyne Rayaale Dastuurkii lagu soo doortay uu ku tunto.

 

1. Adeegga bulshada oo maraya halkii ugu hooseysay

 

 

Caafimaadka: Guud ahaan adeega caafimaadka ayaa u muuqada mid uu waxqabadkiisu aad uu hooseeyo haba uu sii liito Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo Madaxtooyadda aan wax badan ka fogayn.

 

 

Waxbarashadda: Inkasta oo ay waxbarshadda Somaliland marayso heer aad u sarraysa haddana ta dawladdu ay gacanta ku hayso waxaa aad ugu muuqda diif dhaqaale xumo, tusaale ahaana ardayda dugsiyadda sare ee Hargeysa oo lacag ayna qaadi karin lagu soo rogay, taasi oo ay aad ugu cawadeen, iyana Ardayda Ceerigaabo oo si aad ah uga cabanaya waxbarshadda gobolkaasi iyaga oo waliba ku muujiyay mudaaharaddo toddobaadki hore ka dhacay magaaladaasi. Dugsi sare ee kaliya ee Burco oo aan maanta jirin. Boorama oo laga soo daadgureeyay anjabigii waxa ka dhigi jiray Jaamacadda ugu mudan Somaliland ee Camuud ka dib markii lagu dilay haweenayaddii samofalka uu joogtay halkaasi.

 

 

Madaarka Hageysa: Madaarka Hargeysa oo ah muraayada laga dheehan karo wadanka marka uu qof ama wafdi yimaado ayaa ay xaaladiisa ay ka dayrisay hayadda qarmadda midoobay gaar ahaan UNDP oo ku Tilmaamtay dhabaha diyaaruhu cagaha dhigtaan mid xaaladiisu tahay khatar oo u baahan in la xidho, iyada oo aynu ka warhayno boqolaalka kun ee doolar ee ka soo xaroota Madaarka ee ay bixiyaan Shirkadaha Diyaaradaha iyo dadka kasoo dega ama dhoofa madaarka, hadana lacagtaasi oo ay ahayd in Madaarka dib loogu dhiso ilaa maanta ma jirto wax ay dawladu ka qabatay Madaarka Hargeysa ee darxumadu ay ka muuqato.

 

 

Haddaba iyana bal aynu xusno waxyaabaha u qabsoobay Rayaale intii tallada dalka uu hayay ee lagu soo hiran karo. Maalmihii ama toddobaadadii ugu horreyay ee Rayaale talada dalka qabtayba waxa uu isbadal ku sameeyay dhinaca garsoorka dalka, kadib markii u shaqada ka fadhiisaya shaqaalihii hore oo fasaad lagu tuhmayay, inkastoo ilaa imika ay jirto cabashada dadweynuhu ay ku qabaan waaxaha garsoorka, sidoo kale oo waxa uu badalay Maayarro badan oo dadku aad uga caban jireen iyo waliba maamulka Rayaale oo dhaqan galiyay doorashooyinkii dalka intii laga filayay.

 

 

Arrimahan aynu kor ku soo xusanay iyo kuwa kale oo badaniba waxay yihiin kuwa hor taagan geedi socodka maamul tayo leh oo ka tisqaada Somaliland, kaasoo hadheeyay rajadii iftiimaysay ee shacbigu rajaynayay doorashooyinkii dalka ka dhacay ka dib.

 

 

Dhinaca kalena hadii aynu yare eegno cida kale ee masuuliyaddu ka saaran tahay arrimaha dalka ee murugsan waxaa haboon inaynu farta ku fiiqno laamaha kala duwan ee awooda dalka oo kooban hay’ada fulinta, hay’ada xeer dajinta, iyo hay’ada garsoorka.

 

 

Hay’ada xeer dajinta iyo tan guurtida, waa hay’ado awoodeeda leh una baahan in ay muujiso daacadanimo iyo xilkasnimo waxaana lagama maarmaan ah in Guurtida oo kale ay ogaadaan in siyaasadda lagu kala duwanaan karo balse aanay noqon kuwo u sacab tuma kolba dawlada talada haysa, hase yeeshee waa in ay ogaadaan in hadii uu shacbigu ka gaabsado in uu la xisaabtamo uu Illaahay kala xisaabtami doono masuuliyada u hayaan shacbiga.

 

 

Dhinaca Baarlamaanka hadaynu eegno In kasta aynu qaadanay habkii xisbiyadda badanaa hadana ma dhamaystirna madaama ay xubnaha Baarlamaanka fadhiyaa ay yihiin niman ku yimid hab beeleed, inkastoo marka guri la dhisayo uu u baahan yahay afar rukun, oo imika uu maqan yahay rukunkii ugu mihiimsanaa oo ahaa baarlamaankoo lasoo doorto. Iyadda oo taasi jirto haddana wakhtigan kala guurka waxa looga fadhiyaa xubnaha golaha wakiiladu in ay muujiyaan in ay yihiin masuuliyiintii la xisaabtami lahaa Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ee dadweynaha wakiilka ka ahaa, sida uu dhigayo dastuurka qaranka qodobkiisa 39aad oo sheegaya in Wakiilada Baarlamaanku ay yihiin xubno ka wakiil ah dadweynaha, isla markaasna ay yihiin xeer dejinta dalka iyo ilaaliyaasha siyaasada guud ee dalka. Waxaana looga baahan yahay Baarlamaanku in ay danta qaranka ka shaqayaan oo aanay noqon niman dantooda gaarka ah wata oo kolba Madaxtooyada fadhi qayilaadeed loogaga yeedho

 

 

Ugu danbayn iyada oo aynu kor ku soo sheegnay dhibaatooyinka kala gadisan ee dalka la soo darsay muddooyinkan danbe uu Rayaale Xukunka hayay, isla markaasna aynu ka garan karno in maanta dalku u baahan yahay gurmad hor leh, si loo badbaadiyo qaranimada Somaliland looguna shaqeeyo si daacad ah dadweynaha Samirka badan ee reer Somaliland, ayaa waxaa laga sugayaa in xukuumad Somaliland ay arrimahan degdeg wax uga qabato.

 

 

1. Madaxweynuhu waa inuu si dhaqso ah dib u shaandhayn ugu sameeyaa golihiisa wasiirrada oo uu dawlad tayo leh oo macquul ah oo dalka iyo dadkuba qaadi karaan uu dhaqso u soo dhisaa, golihiisa wasaaradeedna ay noqdaan qaar ku sifoobay daacadnimo iyo hawlkarnimo dheeraad ah.

 

 

2. Madaxweynuhu waa inuu gudi madaxbanaan oo degdeg ah u saaro sidii loola dagaalami lahaa musuqmaasuqan baahay ee ragaadiyay dhaqaalihii dalka.

 

3. Madaxweynhu waa in uu talaabo degdeg ka qaado xaalada murugada leh ee ka taagan Bariga Somaliland kana hortago maamulka Cabdilaahi Yuusuf ee Somaliland ku soo fidaya.

 

4. Madaxweynahu waa inuu soo dhiso guddi ka kooban guurtida, baarlamaanka, Xisbiyadda Mucaaridka, Aqoonyahano, iyo Culamaau' diinka oo si sarraaxad leh oo daacad ah u baadha xaaladda dhabta ee wadanka ka jirta, ha ahaato mid dhaqaale siyaasadeed iyo nabadgalyo, ka dibna badhitaankooda ku soo saara waxyaabaha loo baahan yahay in la dhaqan galiyo, markaasna ay dhaqan galiso xukuumadda taladda u haysa wadanka.

 

 

Guntii iyo gebogabadii waa in Madaxweyne Daahir Rayaale ogaada in uu ku yimid Doorasho oo ay u codayeen shacbiga Somaliland, in kasta oo uu xisbigiisa UDUB uu ka cod yaraa xisbiyadda mucaarida ka ah wadartoodu noqonaynsay , Muxaafid 42% Mucaaridkana a 58%, taasi oo la odhan karto aqlabiyadda Somaliland way ka soo horjeeday xisbiga UDUB ee talada haya, waxaana loogana baahan yahay Madaxweynaha in maamulkiisa uu dadka waxgashado haddii kale wakhti aan fogayn waxa dhici doonta in shacbiga Somaliland ay haybadda ay xaqa u leeyihiin ay soo ceshan doonaan.

 

Iyada oo waliba uu jiro qoddobka 96aad ee dastuurka qaranka oo dhigaya in Madaxweynaha xilka laga qaadi karo hadii uu Jabiyo Dastuurka dalka, taasoo muuqata in maanta Madaxweyne Rayaale uu ka talaabsaday dastuurkii dalka u yaalay, maadaama ay wali sii shaqaynayaan wasiirradii la ansixin waayay.

 

Taariikhda Somalilandna waxay ina tusi doontaa halka ay ku danbayso isbedelka ay xaq uu leeyihiin ee ay bulshadda rabto, taas oo ay ugu horrayso badbaadinta qaranka Somaliland oo ay hareereeyeen arrimo kala duwan oo ay tahay in si wadaninimo ku jirto oo wada jir ah lagu wajaho.

 

 

Qoraalkan waxaan ku soo afjarayaa jawaabtii dulucda maqaalkan ee ahayd Madaxweyne Rayaale ma ka faa’iidaysatay fursada uu haysto? Jawaabteeduna waxay tahay , in kasta uu yahay madaxweyne Rayaale nin Nasiib Badan hadana kamuu faa'iidaysan fursadaha soo maray iyo rabitaankii dadweynaha oo maalin kasta sii niyad jabaya……… Balse wali waxa uu wali haystaa wakhti is guraya, ee la arki doonaa halka uu taariikhda ka gallo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this