Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku-xigeenkii Malawi iyo Dadkii La Socday oo La Xaqiijiyay in ay Dhinteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Malawi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay Madaxweyne ku xigeenkii dalka Malawi Saulos Chilima iyo 9 qof oo la socday in ay dhinteen ka dib markii ay la dhacday diyaarad ay shalay kala raceen magaalada caasimadda ah ee Lilongwe.

Madaxweynaha dalka Lazarus Chakwera ayaa sidaasi sheegay. Haraaga burburka diyaaradda ayaa laga helay meel u dhow buur “taas oo gebi ahaanba burburtay” iyadoo aanay jirin cid ka badbaaday, ayuu yiri.

Burburka diyaaradda uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi cidina kam badbaadin, sida uu sheegay madaxweyne Lazarus Chakwera.

Raadin qaadatay muddo ka badan 20 saacadood ayaa lagu helay diyaaradda oo ku bur burtay buuro ku yaalla Waqooyiga dalkaas.

Diyaaraddan oo ahayd nooca ciiddamada waxa socday madaxweyne ku xigeenka, toddoba qof oo rayid ah iyo 3 askari.

Cimilada oo xumaatay ayaa loo sababanynaa soo dhicista diyaaraddan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this