Sign in to follow this  
General Duke

More ministers resign.........

Recommended Posts

Wasiiro hor leh oo iska casiledy xukuumada Ra’isalwasaare Geedi

 

Baydhab0- 02.August.2006 Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay si tarab tarab ah isku casileyeen xubno ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada Ra’islawasaare

Cali Max’ed Geedi ayaa waxaa iminka soo baxaya wasiiro hor leh oo iska casiley jagooyinkii ay ka hayeen xukuumada Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiiradii ugu dambeeyey ee shaaca ka qaadey inay iscasileen ayaa waxaa ka mid ah Xasan Abshir Faarax oo ahaa wasiirkii Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo ahaa wasiirkii Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, wasiir kuxigeenkii Arimaha dibada Xasan Axmed Jaamac, C/raxmaan Yuusuf Diiriye(Indho-buur), wasiirkii ku xigeenkii Hawlaha Guud, Ciise Weheliye Maalin, wasiir kuxigeenkii Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah, Cabdi Xaashi Cabdilaahi Wasiir kuxigeenkii Hidaha iyo dhaqanka, Cabdullahi Axmed Azhari - Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

 

Wasiirdan iscasiley ayaa ku macneeyey talaabadan inay tahay ka dib markii Ra’isalwasaaruhu isagoon la tashan uu ku dhawaaqey in dib loo dhigey shirkii magaalada Khartuum.

 

Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa wasiiradaas ayaa sheegay in markii xukuumada KMG ah ay ka badbaadey kalsooni daradii Baaralamanku u cod qaadey isla markaana la sugayey in la sii ambaqaado dib u heshiisiinta uu Ra’isalwasaaruhu si aan la tashi laheyn uu u sheegay in dib loo dhigey kulankii magaalada Khartuum, waxaana uu tilmaamey in Cali Max’ed Geedi aanu arimahaasi kala tashan golaha wasiirada waa sida Xasan Abshir hadalka u dhigay’e.

 

Guud ahaan tirade xubnaha iska casiley xukuumada Ra’isalwasaare Cali Max’ed Geedi ayaa waxay gaarayaan 39 xubnood oo isagu jira wasiiro, wasiir dawlayaal, iyo wasiir kuxigeeno.

 

C/laahi Soomaali

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Wasiirada dawladda iska casilaya oo sii kordhaya .

Wednesday, August 02, 2006

 

Baydhabo(AllPuntland)- Magaalada Baydhabo waxaa mar kale is casilaaddooda uga dhawaaqay wasiiro iyo wasiir kuxigeenno ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiiradan ayaa tiradoodu gaaraysaa ilamaa 11 wasiir iyo wasiir kuxigeenno oo qaybtooda ugu badan ay joogto magaalada Baydhabo.

 

Wasiirada Iscasilay waxaa kamid ah:-

1-Xasan Abshir Faarax - Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

2-Maxamuud Salad Nur - Wasiirka Macdanta iyo Biyaha

3-Cabdullahi Xashi Axmed (Cabdi Xaashi) - Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare

4-Cali Ismaaciil Cabdi Giir - Wasiirkii Gaadiidka Badda iyo Dekadaha

5-Cabdiraxman Yusuf Diiriye (Indha-Bur) - Wasiirkii ku-xigeenkii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeenta,

6-Cabdullahi Axmed Azhari - Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka,

7- Xasan Axmed Jaamac - Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda arimaha Dibadda.

8-Mire Xaaji Faarax - Wasiir ku-xigeenka lacagta

9-Cabdi Axmed Dhuxul - wasiir ku-xigeenka Xannaanda Xoolaha

10-Ciise Weheliye Maalin - Wasiir ku-xigeenka Iskaashiga Dowladaha

11-Siciid xasan Shire, wasiir ku xigeenka Horumarinta reer Miyaga.

 

Horay waxaa dawladda isaga casilay 18 wasiir oo ka cabanayay xukuumadda uu madaxda u yahay Cali Maxamed Geeddi.

 

Warar naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in wasiiro kale ay maaggan yihiin inay is casilaan.

 

Arintan ayaa dhabar jab ku noqonaysa dhisnaanshaha xukuumadda Cali Maxamed Geeddi , haddii ay sii bataan xubnaha dawladda iska casilaya.

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^You assume to much, but what can I say anyways? The money trail must be too good to them!

 

I think a fella in there (those that resigned) is one of their more "senior" members of the government; the link between the Gedo traditional polity and the president.

 

On the other hand, are you admitting the president and the TFG are working against the national interest of the nation.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol.. I guess they will follow soon to, Barre will probably but I doubt Mr Sayid, but who knows.

 

There is a new split this time its Geedi Vs Yusuf/Sharif Xasan..

 

Geedi's survival on Sunday was even a shock to the old man..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by General Duke:

^^^lol.. I guess they will follow soon to, Barre will probably but I doubt Mr Sayid, but who knows.

 

On the mark my friend (!) but then again, you always seem to know much more then you let on. ;)

 

The others will, I suspect, and definitely so will Barre, but Mr Sayid and more recently Mr Biixi have shown an alarming addiction to the green printed papar.

 

Anyhow, I still contend Abdulahi is the president so everything should and has to be ultimately traced back to him. If he, the president, is being hood-winked away from his real powers by a subordinate, then we should pity the fool but certainly not excuse him.

 

Not that I'm insulting the old man you understand.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxib he is your President after all, yo can say what ever you feel.

 

It's an interesting time we find ourself's in, the TFG as a whole is not against the talks with the courts.

Thats good news.

 

We wait and see..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Shaati guduud iyo Kiish Bur oo is casilay.

 

Wednesday, August 02, 2006

 

Baydhabo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhab waxay sheegayaan inay xukuumadda iska casileen illamaa saddex wasiir oo ka tirsan wasiirada Federaalka.

 

Wasiirada is casilay waxaa kamid ah wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Ibraahim Kiish Bur iyo wasiirka beeraha Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud).

 

Xubnahan wasirada ah ayaa ah xubnaha dawladda u matalaya gobollada Baay iyo Bakool, waxayna istiqaaladdooda hor dhigeen raysulwasaaraha Soomaaliya.

 

Is casilaadda wasiiradan ayaa daba socoto is casilaado xiriir ah oo ay samaynayeen wasiirada dawladda Federaalka Soomaaliya ,

 

Tirada wasiirada is casilay ayaa iminka maraya 31 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiir kuxigeenno , iyo wasiiru dawlayaal ka biyo diidan raysulwasaare Geeddi.

 

Sida uu noo sheegay wariyahayaga magaalada Baydhabo, waxaa laga yaabaa in is casilaadda wasiirada dawladda Federaalka ay sii socoto.

 

Is casilaadda wasiiradan ayaa kusoo beegmaysa maalmo yar kadib markii cod loo qaaday xukuumadda Cali Maxamed Geeddi uu ka bad baaday in la rido.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this