Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Puntland Interior Minister Ilka-Jiir on official visit to Kenya

Recommended Posts

Wasiirka arimaha gudaha ee Dawlada Puntland iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo u kicitimay dalka Kenya

 

Posted to the MOL March 31, 2009, 9:00 am

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladaha hoose ee maamul gobaleedka puntland C/laahi axmed jaamac Ilkojiir iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ka duulay garoonka dayuuradaha ee magaalada Boosaaso iyagoo ksii jeeda dalkaasi kenya.

 

 

Socdaalka wasiirka arimaha Gudaha ee dawlad gobaleedka puntland ee uu ugu anbabaxay dalka kenya ayaa lagu sheegay kulan uu magaalada nairobi kula qaadan doono Hay adaha qaramada midoobay gaar ahaana kuwa samafalka oo uu kala hadli doono xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada dawlada Puntland Somalia.

 

 

Mudane ilkojiir oo isagoo ku sugan airportka Bosaso intaysan kicin diyaaradii qaadi lahayd la hadlay saxaafada ayaa sheegay inuu nairobi utagaya sidii uu qolyaha gargaarka ee qaramada midoobay ugala hadli lahaa arimo farabadan oo ka jira deegaanada dawlada puntland ayna ugu weyn tahay abaaraha ee saameeyey gobalo badan oo kamida Puntland.

 

 

sidoo kalle wuxuu wasiirku sheegay inuu kalan la qaadan doono madaxda dalka kenya iyo madaxda kalle ee safaaradaha caalamka ee magaaladaasi nairobi ku yaala ayadoo kenyana uu sigaara ugala hadli doono hashiis dhawaan ay kala saxiixdeen dawlada shiikh shariif iyo kenya kuna saabsanaa canshuuraha ayadoo kenya sheegtay inay dawlada shiikh shariif canshuurta loogu qaadi doono garoomada kenya ee nairobi ku yaala taasoo Dawlada puntland si weyn uga hor timid kuna sheegtay wax lala yaabo in dawladi dawlad kalle uqaado canshuur .

 

 

safarka wasiirka arimaha gudaha dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ugu anbabaxay dalka kenya ayaa kusoo beegmaya ayadoo maantana magaalo madaxda dawlada Puntland ee garoowe uu ka furmay kulan balaaran oo looga hadlayo xaaladaha abaaraha ee ka jira dawlad gobaleedka Puntland

 

 

Rabiile Cabdikariin Gabanow

 

 

Mudugonline.com Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this