Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka u dhexeeya Israel iyo Qaramada Midoobay ayaa sii xogeystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Khilaafka u dhexeeya Israel iyo Qaramada Midoobay ayaa sii xogeystay kaddib markii militeriga Israel ay Qaramada Midoobay ku dartay liiska kuwa ku xadgudubo carruurta.

Ergeyga Israel ee Q.M. ayaa si qarsoodi ah bannaanka u soo dhigay warkan ka hor inta aan golaha ammaanka liiskan la horgeyn.

Ra’iisulwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay tahay mid khiyaali ku jirta. Afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ujeedka ka dambeeya warbixintan ay tahay mid hufan oo si fiican looga shaqeeyay.

Xadgudubyada waxaa ku jira iskuullo iyo isbitaallo la weeraray iyo gargaar la horistaagay. Afhayeenka sidoo kale wuxuu dhaliilay ergeyga Israel ee warbixinta sida qarsoodiga ah ku bixiyay. Wuxuu ku tilmaamay wax laga naxa oo aan la aqbali Karin.

Dhanka kale xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa ka tagay Qaahira maanta. Waxay aheyd booqasho sideed maalmood uu gobolka ku marayay taas oo looga doodayay xabad joojin ka hirgasha Gaza.

Shir jaraa’id uu qabtay Kaddib kulanka uu la yeeshay madaxweyne Cabdulfitax El-sisi, waxa uu ugu baaqay dowladaha Carabta in ay cadaadis saaraan Xamaas.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this