Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka oo Ansixiyay Xabadjoojin Laga Hirgeliyo Marinka Qaza ee Lagu Go’ay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar uu ku taageerayo hindise xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku soo jeediyay, kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka siddeedda bilood ay Israa’iil ku hayso marinka Qasa.

14 dal oo kamid ah 15-ka xubnood ee golaha ayaa qaraarka oggolaaday, halka Ruushku uu ka aamusay, taasoo ka dhigan in cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay.

hindisahan oo uu horey ugu dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigaya xabbad-joojin lix toddobaad ah oo bilowga ah iyo in qaar ka mid ah maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo Qaza iyo kuwa Falastiiniyiintaah ee ku xiran xabsiyada Israa’iil lays dhaafsado.

Ka dibna waxaa loo gudbi doonaa wajiga labaad ee xabbad-joojinta oo noqon doona mid joogto ah iyo sii daynta maxaabiista dhammaan maxaabiista sida qaraarka ku cad.

Wajiga saddexaad ayaa asna noqan doona dadaal dib-u-dhis loogu samaynayo Marinka Qaza kaabayaasha iyo deegaanka sida xun u burburay, si nolosha bulshada dib loogu qaabeeyo.

Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay aqbashay soo jeedintaasi, balse qaar ka mid ah hoggaanka maamulka tele Aviv ayaa ku adkaysanaya in ay sii wadi doonaan dagaalka illaa meesha ka saarto Xamaas oo ah kooxda Falastiiniyiinta ee maamusha Qaza.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this