General Duke Posted March 4, 2010 Dr Jimaale Kulan looga hadlaayay arimaha Puntland oo ka dhacay Magaaladda Nairobi February 27, 2010Dhowaan magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay kulan looga hadlaayay arimaha Somaliya iyo Puntland kaas oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay. Dhegayso waraysiga Wasiirka Dr.Cabdi Xassan Jimcaale Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka ee Puntland Cabdi Xassan Jimcaale oo wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in Shirkaas ay soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan horumarinta ee marka magacooda loo soo gaabiyo ee UNDP,ayadoo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Deeq bixiyeyaasha. Waxaana Dowladda Puntland uga qaybgalay oo hogaaminaayay Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka Dr.Cabdi Xassan Jimcaale iyo Wasiirka Degaanka iyo duurjoogta C/qani Yuusuf Cadde. Wasiirka ayaa sheegay in Shirka uu ahaa mid looga hadlaayay waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda Puntland mudadii sanadka ahayd ee la soo dhaafey iyo Caqabadaha horyaala oo aysan ka talaabsan oo Deeq Bixiyeyaasha looga baahanyahay in ay gacan ka geystaan. Waxaana uu sheegay in ay u bandhigeen warbixin dheer oo ku aadan Maamul wanaaga,Sharciga iyo Nolosha ee ka jirta degaanadda Puntland, iyadoo sidoo kale uu ka warbixiyey arimaha Dimooqradiyada oo ay Wasaaradiisa ku howlantahay iminka. Kulanka ayaa sidoo kale ahaa mid loogu soo hadal qaaday xaaladda Abaareed ee ka taagan qeybo ka mid ah goboladda Puntland oo saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada,iyadoo ay ku baaqeen Deeq Bixiyeyaasha looga baahanyahay in ay wax ka qabtaan oo Gargaar Bin’aadanimo gaarsiiyaan dadka. Gaba gabada kulanka ayaa waxaa uu Wasiirku sheegay in ay isku afgarteen wada shaqayn dhan weliba oo ay yeeshaan isla markaana ay Dowladda Puntland gacan ka siiyaan sidii ay uga bixi lahayd caqabadaha hortaagan. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites