Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyay Qaraar ku saabsan Xabbad-joojinta marinka QASA

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1718078488546.jpg?resize=660%2C44

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii u horreysay ansixiyay 9 bilood oo dagaalka Qasa socdo qaraar uu soo jeediyay Mareykanka oo ku baaqaya sii deynta maxaabiista iyo xabbad-joojinta Qasa.

Qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay hindise xabbad-joojinta ah oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo Maraykanku sheegay in Israa’iil aqbashay.

Waxay ugu baaqaya soo jeedinta ay ansixiyeen golaha ammaanka  Xamaas, oo markii hore sheegtay inay u aragtay soo jeedinta “mid wanaagsan”, inay aqbasho qorshaha saddexda waji ah. Qaraarkaasi waxa uu ku boorinayaa Israa’iil iyo Xamaas inay si buuxda u fuliyaan shuruud la’aan.

Qodobbada heshiiska ee Biden uu soo jeediyay;

Soo jeedinta waxaa ka mid ah joojinta dagaalka muddo lix toddobaad ah, oo ku dhacaysa wejiga koowaad oo ay ku jirto xabbad-joojin dhammaystiran, in ciidammada Israa’iil laga saaro dhammaan deegaannada ay dadka Qasa ku nool yihiin, iyo in la sii daayo dad waayeel ah, dhaawaca iyo haweenka ah si loo sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta. 

Marxaladda labaad, waxaa lagu sii deyn doonaa maxaabiista nool oo ay ku jiraan askarta, iyadoo Israa’iil ay billaabayso joojinta dagaalka si dhammeystiran.
Wajiga saddexaad waxaa ka mid ah dib u dhiska marinka Qasa.

PUNTLAND POST

The post Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyay Qaraar ku saabsan Xabbad-joojinta marinka QASA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this