Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dowladd degaanka Soomaalida ku wareejisay laba eedaysane oo loo haysto fal dil ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1718029786892.jpg?resize=720%2C35

Ciidanka Booliska Puntland ayaa saraakiil ka socda dowlad degaanka Soomaalida DDS ku wareejiyay laba nin oo ku eedaysan fal dil ah kuwaas oo laga soo qabtay magaalada Boosaaso.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta degmada Bursaalax ayaa saraakiisha ka socday dowlad degaanka ku wareejiyay labada shakhsi ee ku eedaysan dilka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa qoraal uu soo saaray ugu mahadceliyay Taliska Qaybta Booliska Mudug ee wareejiyay labada eedaysane.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo maamulka Degmada Bursaalax oo saraakiil ka socota DDS gaar ahaan Gobolka Doollo ku wareejiyay laba nin oo ku eedaysan fal dil ah, kuwaas oo laga soo qabtay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso, soo qabashadooda waxaan sigaar ah uga mahadcelinayaa Qaybta Booliska Gobolka Bari iyo Maamulka Gobolka Bari” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

“Soo qabashada gacanku dhiiglayaasha, tuugada iyo dhamaan wixii wax u dhimaya amaanka sida argagixisada Labada Dawaladood waxaanka leenahay iskaashi xoog leh oo marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaya” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST


The post Puntland oo dowladd degaanka Soomaalida ku wareejisay laba eedaysane oo loo haysto fal dil ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this