Sign in to follow this  
Deeq A.

Deegaanka ay ka soo jeedaan gudoomiyaha Banka Somaliland iyo Xildhibaan Jamaal Adan Diiriyo oo Shuf beel ku dhow Iskuuladii oo dumay oo la dhis waayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Screenshot_20240610_062249_WhatsApp.jpg
Waxa dayacan oo gabi ahaanba aan shaqaynin 3 iskuul hoose/Dhexe oo ku yaala degmadda Sabawanaag ee bariga gobolma Maroodijeex

Deegankani oo aan aad iga fogayn caasimadda Somaliland, waxa dayacan dadkii, caruurtii iyo waxbarashadiiba.

Waxa xidhan oo dunsan iskuulka Bali Shire. Karin Labi iyo lka ku yaala degmada lafteeda.

Iskuulka Bali Shire oo dib u dhiskiisa lagu qiimeeyay 4800 oo doolar gabi ahaanba wasaarada waxbarashadu way diiday, caruurihii iskuuladaasi dhigan jiray qaar guryaha ayay iska joigaan qaar kalena waalieiintood ayaa gaystay deegaano kale oo ay eheladoodu joogaan.

Hadaba deegaankani waxa ku dhashay una dhashay oo ka soo jeeda gudoomiyaha Banka Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir iyo xildhibaan Jamaal Adan Diiriye oo labaduba taageero u aha xukuumadda Muuse Biixi oo dayacday deegaanadaasi.

Mar aanu wax ka waydiinay gudoomiyaha baanka arinkani wax jawaab ah kamaanaan helin.

Waxa aanu dhawaan idiin soo gudbin doonaa dadka deegaanka oo aanu arimahani ka waraysanay, isla markaasina aad uga cadhooday dayacnaanta haysata dadkooda iyo deegaankooda waana dadkii soo doortay iyo deegaankii laga soo doortay Xildhibaan Jamaal Adan Diiriye.
Waxana arinkani ka sii daran deegaanku waa caafimaad laan, waxana jirtay in 6 todobaad ka hor ay deegaankaasi ku dhinteen laba haween ah oo umulay markaas uun markii loo waayay dhiig joojin iyo gurmad de deg ah,
Screenshot_20240610_062249_WhatsApp.jpg
IMG-20240610-WA0008.jpg

IMG-20240610-WA0010.jpg

IMG-20240610-WA0014.jpg

IMG-20240610-WA0015.jpg

IMG-20240610-WA0013.jpg

IMG-20240610-WA0014-1.jpg

IMG-20240610-WA0012.jpg

IMG-20240610-WA0010-1.jpg

IMG-20240610-WA0007.jpg

Screenshot_20240610_062249_WhatsApp.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this