Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska Musharrixiinta u tartamaya doorashada Madaxtinimada Iran oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1717996106364.jpg?resize=720%2C54

Doorashada Madaxweynaha Iran ee la qorsheeyay in ay dhacdo 28 bishan June , ayaa la soo saaray musharrixiinta u tartamaya , iyadoo illaa 80 musharrax ay codsadeen inay u tartamaan xilkaas.

Doorashada ayaa la go’aamiyay kaddib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday madaxweynihii xilka hayay, Raisi, balse waxaa loo ansixiyay inay doorashada u tartami karaan lix musharrax oo ay magacyadooda soo bandhigeen Golaha ilaalada oo  ka kooban 12 culimo iyo sharci-yaqaano ah, kuwaasoo kala bar ay soo doorteen baarlamaanka, kala barna uu magacaabay Khamenei.

Waxay go’aamiyan musharrixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya, kuwaaso kaliya soo magacaaba xubnaha daacada u ah Khamenei.

6 musharrax ee doorashada ka qaybgalaya;

•Siciid Jalili
•Mohamed Bagher Ghalibaf
•Alireza Zakani
•Amir-Hossein Ghazizadeh Hashemi
•Mostafa Pourmohammadi
•Masoud Pezeshkian.

Musharixiinta kale ee laga reebay doorashada , waxaa ku jira madaxweynihii hore Axmadinejad.

Siciid Jaliili iyo Ghalibaf ayaa ah 2-da musharax ee ugu cadcad inay ku guulaystaan ​​doorashada.

Ghalibaf waa 62 jir ah, horey wuxuu usoo noqday  taliyaha ciidamada cirka ee ilaalada kacaanka Iran (IRGC), waxa uu ahaa afhayeenka baarlamaanka muddo afar sano ah, waxa uu ahaa duqa magaalada Tehran 2005 ilaa 2017, ka horna waxa uu ahaa taliyaha booliska. . Waxa uu u tartamay madaxweyne sannadihii 2005, 2013 iyo 2017, illaa  uu u tanaasulay Raisi.

Musharraxa kale Siciid Jalili, wuxuu ahaa madaxii hore ee wada-xaajoodka Iran ee nukliyeerka , wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ku dhow  Khamenei , wuxuu ka mid ah musharrixiintii doorashada hore isaga haray, isagoo u ololeeyay Raisi.

PUNTLAND POST

The post Liiska Musharrixiinta u tartamaya doorashada Madaxtinimada Iran oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this