Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Difaaca Maamulka Israel oo xilkii iska casilay

Recommended Posts

Deeq A.   
International-Gantz_030424_AP_Michael-Va

Wasiirkii Difaaca Israel oo ka tirsanaa Glaha Wasiiradda Dagaalka ee Israa’iil, Benny Gantz ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey dowladda.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka hortagayo waxa uu ugu yeeray guul dhab ah oo laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Xamaas, wuxuuna sheegay in ay tahay in uu muddeeyo waqtiga doorashada.

Mr Gantz waxa uu damacsanaa in uu hadalkan jeediyo sabtida balse waxa uu dib ugu dhigay iyada oo la eegayey howlgalka soo furashada la haystayaasha Israel.

Bishii la soo dhaafay, Mr Gantz ayaa 8 June u qabtay Mr Netanyahu si uu u qeexo sida Israa’iil ay ku gaari lahayd lixda qoddob ee “Himilooyinka istaraatiijiyadeed”, oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo sameynta maamul rayid ah oo caalami ah oo dhulka ah.

PUNTLAND POST

The post Wasiirkii Difaaca Maamulka Israel oo xilkii iska casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this