Deeq A. Posted June 9 Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay xaafadda Tookiyo oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh. Dabka oo markii hore ka kacay guri kamid ah xaafadda ayaa sii fiday, taas oo kordhisay khasaaraha, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ah isku raran, waxaana daganaa qoysas danyar ah oo dhibaato xoogan ay kasoo gaartay dadkaasi. Ugu yaraan illaa 7 guri ayaa ku bas beelay dabkan, waxaana ku baaba’ay dhammaan hantidii taalay, sida uu xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka oo gurmad sameeyay. “Ninyahow meeshaan dab ayaa ka kacay hantid fara badana waa ku gubatay ummaddan Ilaah ayaa u maqan, ugu yaraan 7 qol ayaa gubatay” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa goobta gaaray gaadiidka dab damiska oo iyaguma ka qayb qaatay howlaha gurmadka, kadibna waxaa sidaas lagu baqtiijiyay dabka. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Howlwadaag iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dabkaasi uu khasaaraha kasoo gaaray shacabka. Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada. The post Daawo: Xaafad ku taalla MUQDISHO oo gubatay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites