Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse waa doorasho diid khudabdiisa waa kicin dadweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20231019-WA00071.jpg

Muuse waa doorasho diid khudabdiisa waa kicin dadweyne. Waxuu raba inuu waxyabahii laga heshiiyey inuu xoqxoqo. Tusaale ahaan. Dhacdadii ka dhacdey #BUURTA_GACANLIBAAX. Dalkeena waxyaabo ka daran buu soo marey. Cid ku faraxsaneyd ma jirin. In inamo dhalinyaro iyo ciidankeena la iska horkeeno.

Waana laga bogsaddey. Guurtida ka howl gashey ee #Bariga_Burco waxey dalkeena iyo dadkeena ku dedaaleen in laga noqdo xalley dhaley. Bulshadeenu wey mahadisey meel ey joogtaba

Hadaba Muuse waxu raba si dadku caadifadu u hogaamiso markuu ku hadlayo hadaladda dhiifta leh. Ha u dhaqaajinina.

Sanduuq ka carar weeye. Waxu arkey in bulshadu ka mideysan sanadkan #13NOV2024 in dalkeena isbedel ka dhaco. Markaa ilaa uu ficil qaado Ha horboodina. Hana u jawaabina.

Waxuu doono Ha shubo. Waxana ka muuqata qofka fahma inuu Rafanayo. Waar Madaxweyne Cigaal AHN baa Muuse ugu maahmaey Waa Rafadku rafanaaye. Rafadkiisa sheeda ka dawada.
Sidda Neef la goweacey buu gal-galanayaaye.

Hadaladiisa dhegna ka maqla ta kalena ka sii daaya. Walaahi wuu tagaya. Dalkeena iyo dadkeena intuu gaadhsiiya dhib ugu filan.

Weynuse sagootiyeyna inagoo isku duuban.
Isaguse waxu isleeyahey. Qabylaadd iyo cunfi ku kici dadka. Muusow shacabku wuu ka horeeya

Fajidda Qaaxo fahma
Muusow ragaad la soo
Caano dhantey ayaan
Anigu dhegmaal u ahaa
Si fiican baan ku dersey.
Dadka aan ku fahamsaneyn
Ayaad Shucuurtooda kicineysa

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari
diinaari1960@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this