Deeq A. Posted June 9 Muuse waa doorasho diid khudabdiisa waa kicin dadweyne. Waxuu raba inuu waxyabahii laga heshiiyey inuu xoqxoqo. Tusaale ahaan. Dhacdadii ka dhacdey #BUURTA_GACANLIBAAX. Dalkeena waxyaabo ka daran buu soo marey. Cid ku faraxsaneyd ma jirin. In inamo dhalinyaro iyo ciidankeena la iska horkeeno. Waana laga bogsaddey. Guurtida ka howl gashey ee #Bariga_Burco waxey dalkeena iyo dadkeena ku dedaaleen in laga noqdo xalley dhaley. Bulshadeenu wey mahadisey meel ey joogtaba Hadaba Muuse waxu raba si dadku caadifadu u hogaamiso markuu ku hadlayo hadaladda dhiifta leh. Ha u dhaqaajinina. Sanduuq ka carar weeye. Waxu arkey in bulshadu ka mideysan sanadkan #13NOV2024 in dalkeena isbedel ka dhaco. Markaa ilaa uu ficil qaado Ha horboodina. Hana u jawaabina. Waxuu doono Ha shubo. Waxana ka muuqata qofka fahma inuu Rafanayo. Waar Madaxweyne Cigaal AHN baa Muuse ugu maahmaey Waa Rafadku rafanaaye. Rafadkiisa sheeda ka dawada. Sidda Neef la goweacey buu gal-galanayaaye. Hadaladiisa dhegna ka maqla ta kalena ka sii daaya. Walaahi wuu tagaya. Dalkeena iyo dadkeena intuu gaadhsiiya dhib ugu filan. Weynuse sagootiyeyna inagoo isku duuban. Isaguse waxu isleeyahey. Qabylaadd iyo cunfi ku kici dadka. Muusow shacabku wuu ka horeeya Fajidda Qaaxo fahma Muusow ragaad la soo Caano dhantey ayaan Anigu dhegmaal u ahaa Si fiican baan ku dersey. Dadka aan ku fahamsaneyn Ayaad Shucuurtooda kicineysa Hon-Envoy Abdirizak Diinaari diinaari1960@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites