Sign in to follow this  
Deeq A.

Falastiiniyiinta oo sheegay in uu khasaare ba’an geystay Weerarkii Israa’iil ku soo furatay maxaabiista

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1717859521996.jpg?resize=720%2C48

Saraakiisha Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa sheegay in dad ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay, weerar isugu jiray cirka, dhulka iyo badda oo ay Isra’il Sabtidi shalay ku qaadday bartamaha Gaza.

Weerarkaasi ayaa lagu tilmaamay kii ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza muddo hadda laga joogo 8 bilood sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta reer Falastiin.

Saraakiisha Gaza iyo ilaha caafimaadka ayaa sheegay weerarka ciidanka Israa’il ay shalay ku qaadeen xerada Nuseyrat ay ku dileen in ka badan 2010 ruux oo Falastiiniyiin ahoo ay ku jireen dumar iyo carruur.

Dhinaca kale Millatariga Israa’il waxay sheegeen in howlgalkaasi ay ku soo furteen afar maxbuus uu ka dhacay xerada qaxootiga Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan Gaza.

Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee (MSF) ayaa sheegtay in in isbitaalka Al Aqsta ee bartamaha Gaza ay ka tan bateen dhaawacyada, kuwaas oo u badnaa bay tiri hey’adda dumar iyo carruur. Dhaawacyada ayaa laga keenay Kaamka Nuseyraat.

PUNTLAND POST

The post Falastiiniyiinta oo sheegay in uu khasaare ba’an geystay Weerarkii Israa’iil ku soo furatay maxaabiista appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this