Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Delegation to Visit Kenya

Recommended Posts

Wefti ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo maanta u kicitimaya Dalka Kiiniya

 

Hargeysa (Waaheen) Wafti ballaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland oo ka kooban 6 wasiir oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa la filayaa inay maanta dalka ka dhoofaan iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kiiniya. Waftigan waxaa kamid ah Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, Eng: Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta, Dr. Saad Cali Shire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha , Dr. Axmed Xaashi Oday, Wasiirka Kaluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha, Maxamed Yaasiin Xasan iyo Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.

 

Waftigan oo ah kii ugu ballaadhnaa ee ka tirsan xukuumadda cusub ee Madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ee ilaa iyo hadda dibadda u baxa ayaa siday ii shegeen tiraba laba wasiir oo aan kala xidhiidhay xubnaha waftiga waxaa kamid ah waxyaabaha ugu waa weyn ee ujeedada safarkoodu ku jihaysanyahay inay deeqbixiyayaasha fadhigoodu yahay magaaladda Nairobi ay u soo bandhigaan qorshaha xukuumadda cusub ee ku jihaysan xagga horumarka adeega iyo kobcinta dhaqaalaha ee dalka sida Biyaha, Beeraha, kalluumaysiga, shaqo abuuridda iyo dhaqaalaha. Waxay kaloo si qotto dheer uga wada hadli doonaan qaabka ugu haboon ee Somaliland iyo deeq-bixiyayaashu iskaga kaashan lahaayeen hawlaha iyo mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

 

Waxaa kaloo warku sheegayaa in ujeedada kale ee waftigan baalldhani tahay in in la dardargaliyo xidhiidhka ka dhaxeeya dawladda Kiiniya iyo dawladda Soomaliland, waxaana la filayaa ina waftigu la kulmo doono masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Kiiniya oo ay si rasmi ah uga wada hadli doonaan balaadhinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada wadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftigan waxaa kamid ah Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, Eng: Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta, Dr. Saad Cali Shire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha , Dr. Axmed Xaashi Oday, Wasiirka Kaluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha, Maxamed Yaasiin Xasan iyo Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti Miisaan Culus Oo Ka Socda Xukuummada Somaliland Oo Ka Dhoofay Madaarka Caalamigha Ee Magaalada Hargeysa

 

 

Hargeysa(HWN):-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka wasarada Arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta ka dhoofay gegeda diyaaraha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo u sii jeeda dalka Kenya.

 

Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu ka koobnaa wasiirada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Kalluumaysiga khayraadka Badda iyo maamulka Dekadaha Dr. Maxamed Yaasiin, Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Maxamuud, Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday, Macdanta iyo Biyaha Md. Farxaan iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire.

 

Waxaanu wasiirku sheegay inay xukuumad ahaan wada hadalo la yeelanayaan hay’adaha caalamiga ah ee ay wada-shaqeynta iyo iskaashigu ka dhaxeeyo ee fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Isla markaana waxa uu xusay inay wada hadalo la yeelan doonaan hay’ada Qaramada midoobay qaarkood, mudada ay ku sugan yihiin caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

 

“Waxa kale oo aanu kulan la yeelan doonaa Baanka Adduunka, waxaanan u qadimi doona mashaariic dhinaca horumarta ah oo u kala baxa khayraadka dabiiciga ah, tacliinta, Beeraha iyo Dhismaha Wadooyinka”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

 

Weftigan oo safarkoodu qaadan doono muddo afar cisho ah ayaa u jeedadiisa lagu sheegay inuu ka dambeeyey marti-qaad rasmi oo ay ka heleen Hay’adda FAO xafiiska xidhiidhinta hawlaha hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Baanka adduunka ee ku yaala dalka Kenya. Isla markaana mudada ay joogaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa la filaya inay u bandhigaan jaangooyinta ay Somaliland u baahan tahay shanta sanno ee socda, isla markaana ay dalalka qaadhaan bixiyeyaasha ay uga la soo hadli lahaayeen wax-yaabaha ugu mihiimsan ee ay doonayaan in adeega dadweynaha loo qabto.

 

Sidoo kale waxa mudada ay joogaan Nairobi inay la kulmi doonaan masuuliyiin xukumada dalka Kenya la kulmaan, isla markaana kala hadlaan xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Kenya.

 

Weftigan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee dalka dibediisa mar kaliya u bax tan iyo markii ay xukumada Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay xukunka dalka mudo ahaatan ku dhow laba bilood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Originally posted by Haatu:

Mcalin should proclaim loudly to them :"let my people go!", hadduu dhiig leeyahey.

He told them and obviously (they) took his advice, his people slipped to their motherland undetected!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

^ War his ppl aren't just ogds, his people are all Soomaali wadanis. That group was mostly A/far n another tribe, not onlf. But they are still his people.

 

JB, what you mean?

 

Che, ethio conflict sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this