Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo weerar ay kusoo furatay 4 la’heystayaal ah ku dishay in ka badan 210 qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa sheegay in dad ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay, weerar iskugu jiray cirka, dhulka iyo badda oo ay Israa’iil Sabtidi shalay ku qaadday badhtamaha Gaza.

Weerarkan oo lagu tilmaamay kii ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo markii uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza muddo hadda laga joogo 8 bilood, ayay ciidamada Israa’iil ku sheegeen inuu qeyb ka ahaa howlgal ay ku soo badbaadiyeen afar qof oo ka mid ahaa la heystayaasha Israa’iil ee ay Xamaas iyo kooxaha kale ku hayaan Gaza.

Millatariga Israa’iil waxay sheegeen in howlgalkan ay ku soo furteen afarta qof uu ka dhacay xerada qaxootiga Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan Gaza.

Saraakiisha Gaza iyo ilaha caafimaadka ayaa sheegay weerarka ciidanka Israa’iil ay shalay ku qaadeen xerada Nuseyrat ay ku dileen in ka badan 2010 ruux oo Falastiiniyiin ahoo ay ku jireen dumar iyo carruur.

Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee (MSF) ayaa sheegtay in in isbitaalka Al Aqsta ee bartamaha Gaza ay ka tan bateen dhaawacyada, kuwaas oo u badnaa bay tiri hey’adda dumar iyo carruur. Dhaawacyada ayaa laga keenay Kaamka Nuseyraat.

Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in ay ogyihiin in khasaaraha weerarki ay ku qadeen Nuseyrat uu ka yaryahay 100 qof, balse ayna gadheyn inta argagixiso ka ah dadkaasi ay dileen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this