Deeq A. Posted June 8, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka qabsoomay dibad-bax ballaaran oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar. Ujeedka dibad-baxan ayaa ahaa mid lagu soo dhaweynayay guusha Soomaaliya ee ku biirista golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana loogu mahadcelinayay madaxda qaranka. Waxaa dibad-baxa ka qayb-galay dad u badan shaqaalaha gobolka Banaadir, guddoonka dhalinyarada gobolka, haweenka iyo mas’uuliyiinta maamulka sare ee gobolka Banaadir. Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay guushan ay tahay guul Soomaaliyeed oo la gaaray 72 sano kadib. “Guusha aan u dabaal-dageyno waa kamid noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay marka guusha la gaaray ee maanta xubin ka noqono golaha ammaanka 72 kadib, waana guul usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho. Soomaaliya ayaa Khamiistii lasoo dhaafay xubin aan joogta ahayn ka noqotay golaha, iyada oo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay kursigan iyo sidii ay ku heli lahayd, taasi oo ugu dambeyntii maanta mira-dhal noqotay. Soomaaliya iyo afarta dal ee kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama ayaa waxay beddeli doonaan dalalkii horey ugu fadhiyay kuraasta ee kala ah Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador. Guushan wayn ee ay gaartay Soomaaliya ayaa kor usii qaadeyso dowladda federaalka oo sanadihii ugu dambeeyay ku guuleysatay barnaamijyo waa wayn, sida qaadista cuna-qabateynta hubka, deyn-cafinta iyo ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC. The post Dibad-bax ballaaran oo ka dhacay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites