Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Shabaab ka tirsan oo nolosha lagu soo qabtay iyo kuwa kale oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab.jpg?fit=2000%2C1250&ssl=1

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cumar Baarey oo hoostaga magaalada Afgooye ee gobolkaasi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 2 xubnood, sidoo kalena lagu soo qabtay 13 kale

“Labo ka tirsan maleeshiyaadka khawaarijta ah ayaa lagu dilay deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye, waxaana gacanta lagu dhigay 13-kale oo ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay doonayeen inay gaadiidka iyo dadka safareyda ah ay waddada u galaan, balse laga hortegay.

“Maleeshiyaadkaan Khawaarijta ah ayaa isku dayay inay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay uga furtaan waxa ay wataan” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya aagga deegaanka Cumar Baarey oo ah halka uu howlgalku ka dhacay.

Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo kala duwan oo gaysta khasaare dhimasho iyo dhaawac.

The post Xubno Shabaab ka tirsan oo nolosha lagu soo qabtay iyo kuwa kale oo la dilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this