Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo saaka weerar xooggan ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   
Galgaduud.jpg?resize=720%2C430&ssl=1

Dagaal aad u xooggan ayaa lagu soo warramaya in uu saaka ka dhacay degmada Ceeldheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan bilowday kadib markii maleeshiyaadka Al-shabaab aroornimadii hore ee saaka weerareen saldhigyo ciidamada dowladda iyo macawisleey ku lahaayeen Ceeldheer.

Kooxda Al-shabaab ayaa cagmarin ku tilmaantay weerarka ay ku qaadday magaalada Ceeldheer waxaana ay sheegtay in ay soo afjartay 4 saldhig ciidan islamarkaana la wareegtay gacan ku-haynta degaankaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadaasi iyo sheegashada maleeshiyaadka Shabaab, mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay khasaaraha ka dhashay weerarka.

Ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya macawisleyda degaanka ayaa hore Al-Shabaab uga qabsaday degmada Ceeldheer bishii Janaayo 2023-kii.

PUNTLAND POST

The post Maleeshiyaadka Al-shabaab oo saaka weerar xooggan ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this