Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey oo Millatariga Israa’iil ku dartay Liiska denbiilayaasha ku xad-gudba Carruurta

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-2489-08dc8707a0bd_w40

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ciidamada Israa’iil ku daray, diiwaanka caalamiga ah ee denbiilayaasha ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda caruurta ee sannadkii 2023.

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Nidoobey Gilad Erdan ayaa xaqiijiyay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu Ciidamada Israa’iil ku daray liiska denbiilayaasha ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda caruurta.

Gilad Erdan ayaa sheegay in arrintan si rasmi ah loogu wargeliyey Jimcihii waxaana uu tallaabadaasi ku tilmaamay mid laga xishoodo.

Diiwaankan caalamiga ah ayaa qayb ka ah warbixin ka hadlaysa caruurta iyo colaadaha hubaysan, taasoo la filayo in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu u gudbiyo golaha ammaanka bishan June 14-keeda.

Warbixintan ayaa lagu eegaa, illaa lix nooc oo xadgudubyo ah oo ay ku jiraan, dilka, naafaynta, xadgudubyada jinsiga ah, afduubka, ku shaqaysiga iyo in la isticmaalo caruurta, iyo in la hor-istaago gargaarka bini-aadanimo lana bartilmaameedsado dugsiyada iyo cusbitaalada.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobey oo Millatariga Israa’iil ku dartay Liiska denbiilayaasha ku xad-gudba Carruurta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this