Sign in to follow this  
Dhuujiye

Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha oo ka walaacsan Hubka lugu daabulayo Soomaaliya

Recommended Posts

Dhuujiye   

Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa ka walaacsan xaalada dalka Soomaaliya iyo hubabka cusub ee lugu sii wado wadanka aanu nabadgalyadu ka jirin ee Soomaaliya, ayagoo ugu baaqay dalalka Caalamka in ay joojiyaan faragalin Milateri ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

 

Amnesty international ayaa war ka soo baxay ayaa ku sheegtay in looga baahan yahay dowladda Mareykanka in ay joojiso hubka ay ku taageerayso dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo dagaal adag kala soo horjeeda Mucaaradyo awood badan.

 

Saraakiisha Hay'adaasi ayaa ku sheegay hub cusub oo ay dowladda Mareykanku siiso dowladda Soomaaliya talaabo aad lugu farxin, isla markaasna mugdi galineysa nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, oo hada ku nool gudaha caasumada Soomaaliya iyo meelo kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

 

"Hubka cusub wuxuu khatar ku yahay amaanka yar ee ka jira meelo ka mid ah dalka Soomaaliya iyo nolasha ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed qaarkood, markaas waxaa lagama maarmaan ah in la joojiyo hub galiyo Soomaaliya" Ayaa lugu yiri Bayaanka Hay'adan.

 

Dalalka xiisayee xaalada dalka Soomaaliya, gaar ahaana Mareykanka, Itoobiya iyo dalal badan ayaa doonaya in ay hub soogaliyaan dalka Soomaaliya, ayagoo taageeraya dowladda Soomaaliya oo aan awood badan ulaheyn in ay la dagaalanto Mucaaradyada hubeysan ee ka soo horjeeda, isla markaasna ka soo horjeeda Siyaasadeeda ay ku wado dalka Soomaaliya.

 

20-kii Sanno ee ugu dambeeyey dalal badan ayaa hub ku soo waday dalka Soomaaliya, kaasoo oo aan waxba soo kordhin dhimasho iyo dhaawac mooyee, waxaana dowladihii iskaga dambeeyey ay Soomaaliya soo galiyeen hub badan, inkastoo dowladda hada ee Shariif Sheekh Axmed ay ka mid noqotey dowladii ugu horeysay oo dalka keentay hub aan dhaawacba laheyn, sida ay xaqiijinayaan dadka ka ganacsada hubka ee ku sugan Suuqyada caasumada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this