Sign in to follow this  
General Duke

Initiation ceremony of Islaan Ciise Islaan Maxamed

Recommended Posts

Gaalkacyo: Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DF Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo Gaalkacyo yimid

- Saturday, May 28, 2005 at 15:23

 

Gaalkacyo (AllPuntland)- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DFKGS Mud: Xasan Abshir Faarax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

 

Wafdiga Xasan hogaaminayo waxaa kamid ah Agaasimaha guud ee Bangiga dhexe ee DFKGS Bashiir Ciise, Ujeedada Socdaalka Wasiirka ayaa lagu sheegay inay tahay inuu ka qayb qaatlo Munaasbadda Caleemo Saarka Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo maalinta Isniinta ah lagu wado inay ka dhacdo dooxada Sallaxley ee duleedka magaalada Garoowe.

 

Maamulka gobolka Mudug , degmada , qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee DFKGS kusoo dhaweeyay Madaarka .

 

Nasasho kadib ayaa lafilayaa inuu Xasan Abshir Faarax u kici timo magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland halkaasi oo uu ka soconayo diyaar garoow ballaarn oo loogu jiro xafladda Caleemo saarka Islaan Ciise Islaan Maxamed.

 

Socdaalka Xasan Abshir ayaa kusoo beegmay xilli ay DFKGS bilowday daad guranta ergada kala duwan ee ka qayb qaadatay shirkii dib u heshiisiinta Kenya.

 

CC.Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Xukuummadda FKMG ah iyo wefti u hoggaaminayo oo maanta u kikictimay Puntland

Posted to the Web May 28, 18:51

 

 

Nairobi:-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khyaraadka Badda ee Xukuummadda FKMG ah Xasan Abshir Faarax iyo Wefti uu horkacayo ayaa waxay maanta ka dhoofeen Nairobi,iyagoo ku sii jeeday Puntland,waxayna ka dagaysay Diyaaradii Weftigaas waday Gaalkacyo.

 

Wasiirka iyo Xubnihii safarkiisa ku weheliey,kana mid ahaa Ergadii Soomaaliyeed ee ka qaybqaadanayey shirkii dib u heshiisiinta ee lagu dhisay Xukuummadda FKMG ah ayaa waxay qayb ka ahaayeen barnaamijka dib u guuritaanka gudaha dalka ee Dawladda FKMG ah,iyadoo maanta ay dib u dhacyo ku yimaadeen Wafuud dheeraad ah oo u kala duuli lahaa Gobalada dalka,inkastoo Wasiirka ku xigeenka Gadiidka Cirka iyo Dhulka Cabdullaahi Axmed Cabdulle ii sheegay inay beri dambe bilaaban doonto gaadgureyntii Ergadii Shirka Soomaalida.

 

Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda FKMG ah Maxamed Cabdi Xayir(maareeye) ayaa shir jaraa'id oo uu maanta qabtay waxa uu sheegay inaysan waxba ka bedelin wakhtigii Ra'iisal wasaaruhu u qabtay in dalka dib loogu laabto,isagoo intaas ku daray inay bilawdeen Ergadii shirka dib u noqoshadoodii gudaha dalka,islamarkaasna maalmaha soo socdo xawligoodu bixi doono,ayna ku kala noqon doonaan dhamaan Gobolada dalka.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya Weftigii Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka badda ee Xukuummadda FKMG ah ayaa waxay sheegayaan inay ka dageen Galabta Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo,islamarkaasna halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Qaabka a u Dhacayso xaflada Caano Shubka Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse

 

 

Xaflada Caano Shubka Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse ayaa waxaa ay ka dhacaysaa Duleedka Magaaladda Garoowe gaar ahaan Deegaanka Salax-ley kana xigta Magaladda Garowe 14Km dhanka koonfureed.

 

Qaban qaabada Xafladan Islaan oo socotay muddo dhan 7 Bari ayaa waxaaa ay dhacaysaa 30ka Bisha, Dadka ku dhaqan Magaaladda Garowe ayaa maanta u dareeray goobta xafladaas lagu qabanayo waxaana halkaasi laga dhisay Teendhooyin iyo Goobo loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo dadka martida ah ee ka qayb galaya Xafladaas.

 

Dadka ka qayb galaya Xaflada Caano shubka Islaanka ayaa waxay ka kala imaanayaan dhamaan Degmooyinka iyo Goboladda dalka Soomaaliya sida, Goboladda Koonfureed, iyo Gobolada Woqooyi oo la sheegay in ay ka imaanayaan Madaxdhaqameedo uu ka mid yahay Boqor Buur madow.

 

Sidoo kale, waxaa Xafladaani ka qayb galaya Madax ka mid ah Dawlada Federaalka ah ee Somaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Khayraadka Badda Mudane Xasan Abshir Faarax iyo Masuuliyiin kale, Sidoo kale Inta badan Madaxda Dawlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi (General Cadde) ayaa ka qayb galaya Xafladaas.

 

Goobta Xafladaani ka dhacayso ayaa loo agaasimay si heer sare ah waxaana ka dhisan Teendhooyin aad u tiro badan, waxaa kale oo Hoolalkii qudbada madaxda iyo waliba dhulkii ay fariisan lahaayeen.

 

Waxyaalaha loo diyariyey Xafladaan:- Xafladan oo ah mid si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa loo diyaariiyey qalab badan oo loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo Islaanka waxaana ka mid ah:-

Fardo, Abwaano dhawr nooc isugu jira, kuwa gabayo ku soo dhaweynaya iyo Kuwo Buraanburayaba leh. Sidoo kale, waxaa la sheegay in loo diyaariyey in lagu qali doono goobtaasi Xoolo aad u badan oo la sheegay in ay dhan yihiin ugu yaraan 1500 oo Ari ah, 100 Geel ah ,Sidoo kale, waxaa halkaasi loogu talo galay in ay ka shaqeeyaan 200 00 qof kuwaas oo iyagu ah kaliya shaqaalaha u qaybsan dhanka Fadhiisinta Martida, Qaybinta Cuntada iyo Agaasinka Hawsha.

 

Dadka Badankiisu waxay baxeen Maanta Duhirnimadii hore, waxaana dadku ilaa iyo hadda ku sii qul qulayaan goobtaasi lagu Caano shubayo Islaan Ciise Islaan Maxamed.

 

Dhanka Ciidamada:- Dawlada Goboleedka Puntland oo iyagu kaalin weyn ka qaadanaya Hawshaasi ayaa waxaa ay diyaariyeen Ciidamo si aad ah u suga Amaanka Goobtaasi waxaana la geeyey dhawr Boqol oo askari oo ka tirsan Ciidanka Darawiishta iyo Boliiska kuwaas oo sugaya amaanka Goobtaas kana qayb qaadanaya Hawlaha Caano shubka Islaanka.

 

Si kastaba ha ahaatee, xafladaan oo dhici doonta Bari 30ka bishan ayaa waxaa ay tahay mid ahmiyad weyn u leh Ummadda reer Puntland ee ku dhaqan Gobolka Nugaal.

 

Haddaba, faah faahinta Xafladan, Sawirada Xaflada iyo warar dheraad ahba kala soco webka Radio Garowe hana ka dheeraan in shaa allaah.

 

Axmad Maxamad

Radio Garowe-Puntland/Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suugaan iyo fardo lagu soo bandhigay goobta ay ka socoto xafladda caleema saarka Islaan Ciise

 

Garoowe - 30.May.2005 Waxaa Dooxada Sallaxley ee magaalada Boosaaso xilligan diyaar ku ah mas'uuliyiin fara badad oo ka kala socda Puntland iyo dawladda federaalka Soomaaliyeed, Isimo iyo wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminayo Maxwell Gaylard wafdigan oo lagu maamuusay iney goob joog ka ahaadaan isla markaasna ay ka qayb galaan xafladda caleema saarka Islaanka cusub ee Islaan Ciise Islaan Maxamed.

 

Isimada halkaasi ku sugan ayaa waxaa ka mid ah; Boqor Maxamuud Boqor Muuse iyo Sudlaan Siciid Maxamed Garaase dhinaca maamulka Puntland-na waxaa la oran karaa waxaa halkaasi goob joog ku ah inta badan mas'uuliyiinta dawladda oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Gen. Cadde).

 

Dooxada Sallaxley oo ah mid xilligan barwaaqo ah cagaarka geeduhuna aanay indhuhu ka soo laaban kareynin ayaa waxaa lagu soo bandhigay fardo aad u fara badan oo loo dhammeeyey qalabkii lagu qurxin jirey isla markaasna loo carbiyey dhallinyaro si wanaagsan oo xarrago leh halkaasi hadba gees ula ordaya.

 

Sidoo kale, suugaan isugu jirta gabayo iyo buraanburro ayaa ka socda goobta caleema saarka Islaanka.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caleemo Saarkii Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa wuxuu ka dhacayaa meel u dhow Magaalada Garoowe

Posted to the Web May 30, 12:58

 

 

Garoowe:-Caleema saarka Islaamka oo ay ka qayb galeen masuuliyiin, Isimo, Waxgarad iyo

dadweyne kale ayaa wuxuu ka dhacayaa Dooxada Salaxley oo u dhow magaalada Garoowe.

 

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey Wasiirka Kaluumaysiga Mudane Xasan Abshir Faarax, iyo Masuuliyiinta Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse iyo Isimada Waaweyn ee Gobolada Puntland, waxaana munaasibadaas hadalo ka jeedinayaan masuuliyiinta iyo Isimada kale ee kulankaas ka qayb galay.

 

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ah nin dhalinyaro ah ayaa maanta lagu caana shubayaa isagoo xilka ka dhaxlay Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ahaa aabihiis isla markaasna ahaa Isinka ugu da’da weynaa deegaanada Puntland.

 

Radio Midnimo/Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Islaan Ciise Islaan Maxamed oo lagu Caano shubay , sideese u dhacday Xafladdu

- Monday, May 30, 2005 at 15:55

 

Garoowe(AllPuntland)-Xafladdii Caleemo saarka Islaan Ciise Islaan Maxamed oo saaka waabarigii ka bilaabatay dooxada sallaxley oo 14 km u jirta Garoowe ayaa laga gudbay marxaladdii ugu waynayd ee caana shubka , ayadoo Islaan Ciise Islaan Maxamed lagu caano shubay.

 

 

Munaasabadda caano shubka waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo isugu jirta madax kasocotay Puntland , DFKGS , Isimo iyo marti sharaf kale oo maanta si habsami ah u joogay goobta Caano shubka Islaan Ciise Islaan Maxamed .

 

Waxaa munaasabaddaasi hadal ka jeediyay madaxwaynaha Puntland Gen: Cadde oo muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay caleemo saarka Islaan Ciise Islaan Maxamed , wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddda ee DFKGS Xasan Abshir Faarax ayaa kamid ahaa masuuliyiinta halkaasi hadallada kasoo jeediyay , wuxuu sheegay inuu aad ugu farax sanyahay inuu goob joog ka ahado caano shubka Islaan Ciise , Ilaahay wuxuu uga baryay inuu xilkiisa ku kaalmeeyo.

 

Dadwaynaha Puntland ayaa laga bilaabo galabnimadii shalay ku qul qulayay halka loogu talo galay in Caana shubku ka dhoco , magaalada Garoowe ayaa u eg meel fasax ah oo ay dadku ciidayaan .

 

Goobta lagu dhigayay xafladda oo ah dooxada Sallaxley ayaa ahayd mid u muuqatay mid laga shaqeeyay ammaankeedana aad loo adkeeyay , dadka naf ahaantoodana waxaa kamuuqday farxad

 

Islaan Ciise oo kamid ah wiilasha uu dhalay Islaan Maxamed Islaan Muuse oo dhawaan geeriyooday ayaa noqonaya Isinka beesha iyo guud ahaan shacabka Puntland .

 

CC.Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflad aad u ballaaran ayaa goor dhawayd lagu Caana Shubay Islaan Ciise Islaan Maxamed

Posted to the Web May 30, 16:25

 

 

Garoowe:-Waxaa goor dhawayd lagu Caleema Saaray deegaanka Salexleey ee magaalada Garoowe, Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse, waxaan Munaasaba Caleemasaarka ka soo qayb galay, masuuliyiin aad u badan, Issimo Waxgarad, iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo boqolaal qof oo isugujira rag iyo dumar oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland iyo meelo kalaba.

 

Xaflada Calaama saarka islaanka Cusub ee Islaan Ciise, ayaa waxay ku bilaabmatay jawi aad u dagan, Abwaaniin kala duwan oo isugujira rag iyo haween, ayaa waxay halkaasi ka soo jeediyeen Gabayo iyo Buraanbur aad u qiima badan oo qaarna loogu ducaynayo Islaanka Cusub aabihiis, Islaan Maxamed, qaar kala lagu guubaabinayo isla markaasna talooyin lagu siinayo Islaanka Cusub

 

Suldaan Siciid Maxamed Garaase, ayaa Issimadii, madaxdii, waxgaradkii halkaas isugu yimid ku ammaanay isla markaasn aad ugu mahadnaqay sidii ay u soo sharfeen oo ay uga soo qayb galeen, Caleema Saarka Islaanka.

 

Madaxwaynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirisi (Janaraal Cadde), ayaa isagu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Islamarkaasna maamulka Puntland uu ganac siin doono Islaanka, uuna u arko in uu buuxin doono kaalintii muuhimka ahayd ee uu kaga jiray Puntland Abaahiis, Allaha u naxariistee, Islaam Maxamed Islaan Muuse, oo ku sheegay Nin aad u nabad jecel hawlo muhiima oo taariikhda galayna u qabtay dadka reer Puntland, isagoo si gaara u xusa dhisitaanka DG Puntland.

 

Madaxwaynuhu wuxuu khudbadiisii ku celceliyay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qaybgalka Caleema saarka, Islaan Ciise, uuna rajaynayo in ay gacan iyo wada shaqayn ay yeelan doonaan.

 

Dhowr Isim oo halkaasi ka hadashay, ayaa aad u xusay taariikhdii uu Islaan Maxamed ku lahaa Puntland, waxayna Islaanka Cusub u rajeeyeen in uu buuxiyo kaalintii aabishiis.

 

Suldaan C/salaam, oo sheegay in uu ku hadlaayo afka gobolada, Sool, Cayn iyo Galbeedka Sanaag, ayaa saleen u soo gudbiyay Islaanka Cusub oo uu uga waday dadka ku dhaqan deegaaamadaasi, intaas kadib, Suldaanku wuxuu xusay in uu aad uga xun yahay dhacdadii shalay ka dhacday Xabsiga Garoowe, oo lagu dilay laba Nin oo muddo ku xirnaa Jeelkaas, kadib markii ay Maxkaamda Ciidaamada Puntland ay ku xukuntay xukun dil ah kadib, markii ay Maxkamadu ku cadaysay in ay dileen, Marxuum, Maxamed Maxamuud Nuur oo loo yiqiinay Biniikalo, Suldaanku wuxuu Madaxwaynaha Puntland ka codsaday in uu arintaas wax kaqabto si dhakhso ah.

 

Suldaan C/salaam, soo jeedintiisa kadib wax ka qabashada dhacadii shalay , ayaa Nin u hadlay Madaxwaynaha Puntland, wuxuu sheegay in waa hore ay talaabo qaadeen, ayna xirxireen qaar ka mid ah kuwii ku lugta lahaa iyo waliba kuwii dayacay hawshoodaba.

 

Intaas kadib, Boqor Maxamuud Muuse, ayaa ugu dambayntii, halkaas duco ka jeediyay, wuxuuna Islaanka Cusub ugu duceeyay in ka soo dhalaalo waajibaadka ay bulshadiisu saartay, uuna maro wadadii uu abihiis maray.

 

Caleemasaarka Islaan Ciise Islaan Maxamed, ayaa ka dambaysay, kagadaal markii aabihiis Allaha u naxariistee Islaan Maxamed Islaan Muuse, oo ahaa Isinka ugu da'da wayn uguna magaca waynaa gobolada Puntland, uu magaalada Garoowe ku geeriyooday, feb/18/2005.ayna dhammaan Wiilashii Ilma Islaan Maxamed iyo qaraabada kalaba ay isku raaceein in Islaan Ciise uu noqdo Ninkii badali lahaa Allaha u naxariistee Islaan Maxamed.

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mas'uuliyiin kala duwan oo ka hadashay munaasabaddii caleema saarka Islaan Ciise

 

Garoowe - 30.May.2005 Munaasabaddii maanta lagu caleema saaray Islaanka cusub ee Islaan Ciise Islaan Maxamed, ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde), wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dawladda federaalka Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax, iyo Boqor Maxamuud Boqor Muuse, oo ka mid ahaa Isimadii ka qayb galay xafladdii caleema saarka.

 

Madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi oo hadal ka jeediyey munaasabaddan ayaa ku nuux-nuuxsaday sida uu ugu faraxsan yahay ku caana shubka Islaanka cusub, isla markaasna u rajeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed in uu xilkiisa ilaahay u fududiyeeyo.

 

Munaasabadda Caleema saarka Islaanka cusub ee Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin kala duwan oo ka kala socotey dawladda federaalka, dawladda Puntland, isimo, culimaa'udiin iyo marti sharaf kale, waxana lagu qabtay Dooxada Sallaxley oo 14km koonfurta kaga beegan magaalada Garoowe.

 

Suldaan Siciid Maxamed Garaase, ayaa isimadii, madaxdii, waxgaradkii halkaas isugu yimid ku ammaanay isla markaasna aad ugu mahadnaqay sidii ay u soo sharfeen oo ay uga soo qayb galeen, Caleema Saarka Islaanka.

 

Inta badan salaadiintii halkaasi ka hadashay, ayaa aad u xusay taariikhdii uu Islaan Maxamed ku lahaa Puntland, waxayna Islaanka Cusub u rajeeyeen in uu buuxiyo kaalintii aabishiis.

 

Intaas kadib, Boqor Maxamuud Muuse, ayaa ugu dambayntii, halkaas duco ka jeediyay, wuxuuna Islaanka Cusub ugu duceeyay in ka soo dhalaalo waajibaadka ay bulshadiisu saartay, uuna maro wadadii uu abihiis maray.

 

SBC News Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maashallah praise to Allah for the new Islaan alle ha u sahlo hawshiisa muhiimka ah.

 

Some pictures of the xaflad in salaxley.

 

boqor_maxamuud.jpg

Boqor Maxamuud of Qardho

 

Caasha_geele.jpg

Caasha Gheele Puntland Minister for Family Affairs

 

cadde.jpg

The President, Xasan Abshir and Head of the UN Maxwell Gaylard

 

marti.jpg

 

suldaan_garaase.jpg

One of the Puntland&Nugaal isims Suldaan Siciid Garaase

 

faras.jpg

The most preciaus thing which Nugaal area is renowned for the Horses inside the tent who have their principal home in the Nugaal Valley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this