Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin u Dhashay Faransiiska oo Lagu Eedeeyay Uruurunti Xogo Milatari oo Ruushka Lagu Xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka ayaa xiray nin u dhashay dalka Faransiiska oo u shaqeynayay hay’ad fadhigeedu yahay Geneva, kuwaas oo lagu ku eedeeyay inuu ururiyay macluumaadka ku saabsan militariga, iasagoo ku guuldareystay inuu isu diiwaangeliyo sidii wakiil shisheeye.

Guddiga baarista ee Ruushka ayaa sheegay in ninkan looga shakisan yahay inuu muddo dhowr sano ah si ula kac ah u ururiyay macluumaadka dhinaca farsamada iyo militariga ee Ruushka, kaas oo loo adeegsan karo amniga gobolka.

Guddigan oo baaraya dambiyada waaweyn ee ninkan loo haysto ayaa soo bandhigay muuqaal kooban oo muujinaya nin ku labisan Jiinis iyo funaanad madow oo ay askar wejiyada soo duubtay ugu tageen barxadda maqaayad ku taal bartamaha Moscow ka hor inta aan la gelin gaari booliis ah.

wakaalada wararka ee TASS ee dowladda Ruushku maamusho ku sheegtay in Laurent Vinatier oo 47 jir ah uu u shaqaynayay hay’ad u ololeysa wada-hadallada iyo joojinta colaadaha oo magaceeda loo soo gaabiyo HD, taas oo uu aas-aasay xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa beeniyay in Vinatier uu u shaqeynayay dowladda Faransiiska, wuxuuna sheegay in xariggiisa uu qeyb ka yahay olole marin habaahin ah oo ay waddo Moscow.

Marka loo eego sharciyada Ruushka qof kasta oo hay’ad caalami ah u shaqeeya, gaar ahaan ajaanibta waxaa waajib ku ah inuu isu diiwaangeliyaa wakiil shisheeye.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this