Rokko Posted February 20, 2004 GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG, MAXAMUUD SICIID NUUR OO WARBIXIN KA BIXIYAY XAALADDA ABAARTA EE GOBOLKA. Kadib markii ay wafti ka socda Maamulka Puntland kormeer ku soo mareen Gobolka Sanaag ayna u kuur galeen Xaaladda Abaarta ee ka jirta Gobolka ayaa warbixin ku saabsan abaarta waxaa soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Saciid. Warbixintan oo ka kooban lix bayj uuna ku saxeexan yahay Godoobiyaha Gobolka Sanaag ayaa waxay u qorayd sidan: DAWLAD G. PUNTLAND ............. PUNTLAND STATE EE SOOMAALIYA ................. OF SOMALIA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA XAFIISKA GUDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG Ku :- Wasiirka Arr. Gudaha iyo Amniga .........Garoowe Ku :- Guddiga Abaaraha DGPL .........Garoowe Ku:- Saxaafada Madaxa Banaan .........barahooda Ku :- Hay’adsda Horn Relief ..........Fadhigeeda Ku :- Hay’adda WFP ..............Bosaaso Ku :- Jaaliyada Dibedda ee Gobolka Sanaag ........Fadhigooda Ku :- Wakiillada Hay’adaha Samo-fal ee Caalamiga ah......... Fadhigooda Og :- Madaxwenaha DGPL ...........Garoowe Ujeeddo :- Warbixin ku saabsan Xaaladda Abaarta Gob. Sanaag. Mudanayaal, Ka dib markii aannu 14-25/12/2003da kormeer u kuurgal iyo qiimayn ah ku soo wada samaynay dhammaan degaammada Gobolka Sanaag ka koobmo, waxannu halkan idiinku soo gudbineynaa xaaladda Abaarta Gobolka Sanaag, gaar ahaan Dhibta abaartu sababtay, Wixii deeq iyo gargaar ah ee Bulshada Gobolku heshay iyo Baahida taagan, waana sida hoos ku qoran :- I. Degaamada Gobolku ka koobmo:- Degaamada Gobolku ka koobmo ee aannu soo kormeernay waa sida hoos ku qoran :- a) Degmada Badhan:- 1) Badhan 2) Xingalool 3) Hadaaftimo 4) Ceel-buh 5) Sibbaaye 6) Dhabar-dalool 7) Dawoco 8) Jiin-gadda 9) Qoyan 10) Gurmale 11) Geed-la-rifay 12) Haylaan 13) Laako 14) Rad 15) Min-diingale 16) Wardheer 17) Gooraan b) Degmada Dhahar:- 1) Dhahar 2) Ber-kedaha Qol 3) Buraan 4) Balli-Busle 5) Kala-dhac 6) Af-urur 7) Ceelaayo 8) Marraje 9) Booxaaro 10) Cawsane c) Degmada Ceerigaabo :- 1) Magaalada Ceerigaabo ****lama tegin si nabada dadka dhibaataysan loo ilaaliyo, 2) Damalla-Xagarre 3) Shimbiraale 4) Fiqi-fuliye 5) Carmale 6) Yubbe 7) Jiidali 8) Nin-ku-jooge 9) Ceel-la-qoday 10) Ardaa 11) Dib-qarax 12) Biyo-Guduud 13) Boodda-Cadde 14) Masagan 15) Madarre. d) Degmada Laas-qoray 1) Laas-qoray 2) Xidid 3) Dur-diri 4) Mashaxaleed 5) Xabaashaawacle 6) Milxo 7) Dol 8) Daaddan 9) Markad 10) Ragaad 11) Mirci 12) Birsinji 13) Cidhbiye 14) Ul-xeed 15) Geel-weyta 16) Laasa-surad II. Dhibaatooyinka Abaartu sababtay :- Sida aannu horeba Maamul ahaan u shaacinnay, Wakiillada hay’adaha Caalamiga ah qaarkoodna indhohooda ugu soo arkeen, waxa Gobolka sanaag ku dhifatay abaar muddo Afar (2000-2003) Sano ah socotey; taasoo sababtay dhibaatooyin culus, sida Xoolihii Noolaa oo intii badnayd 65-75% dhimatay, intii hadhayna Caano iyo hilib ka dhammaday, wax iibsami karana laga waayey. Haddaba, waxa abaarta ku tabaaloobey dad aad u kala duwan oo ay qaybba si u saamaysay :- 1) Waxa Caydhoobey oo xoolihii ay ku noolaayeen ka le’deen 70% Dadkii Reermiyiga ahaa; waxana ilaa haddeer la diiwaan-geliyey Reer-Guuraa xoolo-dhaqato ah oo dhan 15,000 Qoys; waxana haddii roob la’aantu sii socoto, werwerku yahay in tiradaasi kor u kacdo, lagana baqayo iney Dhammaadka Febraayo 2004, ilaa 23,000Qoys gaadho. 2) Waxa Daryeel, Daawayn iyo nafaqayn waayey Dadkii Qoysaskaasi ku biili jireen Magaalooyinka ee Miyiga lagu hayn kari waayey, sida:- a) Ubadka yaraan Waalidkood kaga wada dhintay iyo Waayeelka hawl-gabka ah b) Naafada Dagaalka. c) Curyaamiinya, Dadka Waalan iyo Bukaan-jiifka. 3) Waxay Shaqo Beelay oo meel dakhli ka soo galo oo kale waayey Qoysaskii Maxaysatada Magaalo ahaa ee noloshoodu ku salaysnayd Ka ganacsiga Hilibka, Caanaha iyo Haragga Xoolaha Miyiga laga keeno, Dillaalidda kala iibsiga Xoolaha Nool iyo waxa ka soo baxa, Ka shaqaynta Xoolaha, sida Raaciga, Xeraynta, Waraabinta iwm. Sida :- a) Xaasaska Agoonta ah b) Qaxootigii 1993kii la soo celiyey. c) Qaysaskii Dagaalladii Sokeeye 1991 Gobollada kale ka soo bara kacay. d) Dadkii saboolka magaalo horeba u ahaa. III. Xaaladda Cunto-yaraanta iyo nafaqo la’aanta. Marka qiyaas ahaan cel-celiska Xubno-qoyseedka lagu soo koobo ilaa 6-qof, waxa la odhan karaa, waxa Gobolka sanaag Raashin yaraan iyo nafaqo darro ku haysaa, Cudurro iyo Gaajona halis ugu jira, Dad ka badan ilaa 140,000 Qof. Haddaba, waxan Dhammaan Meelaha Qoraalku khuseeyo ugu baaqaynaa in Dadkaas gurmad iyo gar-gaar aadaminimo lala soo gaadho. IV. Caawimooyinkii Dadka Gobolku Helay. Guud ahaan, Bulshada Gobolka Sanaag ee Abaartu ku habsatey, waxa guurmad u fidiyey DGPL oo ugu deeqday 25-Foosto oo Naafto ah; Hay’adda Horn Relief oo u keentay 225Foosto oo shidaal ah iyo Hay’adda WFP-Boosaaso oo soo gaadhsiisey 5,167 Qoys oo caydhoobey Raashin dhan Galley 5,167 Kiish; Misir 517 Kiish iyo Saliid Cunto 641 Kortoon; taasoo qoyskiiba siisay Gallay Hal Kiish, misir 10Kg iyo Saliid 5kg. Waxana Caawimooyinkaas sidii looga faa’iidaystey ku faah-faahsan tahay Shaxdan hoose :- Quote Share this post Link to post Share on other sites
Rokko Posted February 20, 2004 This is a Sanaag map from United Nations Somalia website. It is a pdf file. Print it out after it loads in order to see those above mentioned towns visited by the Governor of Sanaag. http://www.unsomalia.net/infocenter/maps/atlas/Sanag%20region.pdf Quote Share this post Link to post Share on other sites