Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Kheyre oo sheegtay guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ay gaartay

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-iyo-Kheyre.jpg?fit=1920%2C1080&

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa war ka soo saaray guusha ay Soomaaliya ka gaartay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika.

Farmaajo iyo Kheyre oo mid walba soo saaray qoraal gaar ah ayaa sheegay in guushaan ay ka soo shaqeeyeen, kadib markii ay codsi ay ku dalbanayaan kursigaan ay u direen Qaramada Midoobey.

Ugu horeyn Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan ku faraxsanahay in uu guuleystay hayaankii iyo himilladii aan soo billownay markii Oktoobar 2018kii ay codsiga xubinnimadan gudbisay xukuumaddii aan Raysulwasaaraha ka ahaa, oo baadigoobka kursigan gelisay dadaallo diblumaasiyadeed, si ay 52 sano ka dib Soomaaliya xubin uga noqoto golaha Ammaanka.”

Kheyre oo farriin u diray Madaxda Qaranka ayaa ugu baaqay in aragti cad laga yeesho sidii looga miradhalin lahaa fursaddan taariikhiga ah, lana xoojiyo xafiiskeenna Qaramada Midoobay ee New York, si uu dalku kaalin firfircoon uga qaato Golaha Ammaanka.

Dhankiisa Madaxweyne hore Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay guushaan ayaa ugu horeyn hambalyo u diray shacabka iyo dowladda, isagoo yiri, “Tani waxay ku timid dadaalladii diblomaasiyadeed ee aannu soo bilowney sannadkii 2018-kii, maantana uu guul taariikhi ah dalkeennu ka gaaray.”

Qoraalka Farmaajo ayaa intaas ku sii daray “Qaranka Soomaaliyeed oo ku guulaystay Kursigan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay inoogu danbaysay sannadkii 1972-kii, waxa ay dalkeenna u tahay sumcad iyo guul taariikhi ah, taas oo noo muuqatay markii aannu bilaabaynay himiladan.”

Madaxweynihii hore oo wadaniyad ku dhiirigeliyey madaxda Soomaalida ayaa yiri, “Hadaf kasta oo qaran oo lagu raadiyo wadajir, loogana shaqeeyo si daacadnimo iyo waddaniyad leh, waxaa xaqiiq ah inuu miro dhal noqonayo, waana tan laga rabo in hoggaan kasta oo Soomaaliyeed uu ku shaqeeyo.”

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo

IMG_1056.jpeg?resize=696%2C696&ssl=1

The post Farmaajo iyo Kheyre oo sheegtay guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ay gaartay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this