Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo xubin aan joogta ahayn ka noqotay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1717695423847.jpg?resize=720%2C48

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 53 sanadood ah loo doortay inay xubin aan joogta ahayn ka noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey.

Codeyntii Maanta oo Khamiis ah loo qaaday ayey Soomaaliya heshay 179, waxay u baahnayd 124 cod, sidaas ayey uga mid noqonaysaa golaha ammaanka laga bilaabo Jannaayo 2025.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo laba sano ah.

“Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaanti kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo xubin aan joogta ahayn ka noqotay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this