Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ugu Guuleysatay Kursiga Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay ka mid noqoto shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sannadka 2025 iyo 2026-ka.

Golaha ayaa maanta u codeeyay shanta da ee kala ah Soomaaliya, Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama, waxayna wixii maanta ka bilaama si rasmi ah uga mid noqdeen xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,Soomaaliya ayaa xubin aan joogta ahayn ka noqtay golaha, Iyadoo ku matali doonto labada sanno ee soo socota qaarada Afrika.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dal iyo dibad ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay hannashada kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,waxayna tallaabadan si gaar ah ugu ammaaneen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha JFS oo juhdi badan geliyay sidii maalintan taariikhi ah loo xaqiijin lahaa.

Soomaaliya iyo 4-ta dal ee kala ah Denmark,Greec,Pakistan iyo Panama ayaa waxay badali doonaan kuwii horay ugu fadhiyay kuraasta ee kala ah Mozambique,Switzerland,Malta,Japan iyo Ecuador.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this