Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo Ku Guuleysatay Kursiga Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya ayaa xubin aan joogto aheyn ka noqotay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib codbixintii golaha guud ee Qaramada Midoobay oo goor dhow soo dhamaatay.

Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi, oo doorashada ka qeyb galay.

Soomaaliya ayaa kursigan ku fadhiisan doonta muddo labo sano ah oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025.

Soomaaliya waxaa ku biiraya afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama.

Dhammaantood waxay hore uga soo mid noqdeen Golaha, iyada oo ay Soomaaliya ugu dambeysay muddo laga joogo 53 sano.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this