Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad Ka Ogtahay Dowladaha Kamid Noqday Golaha Ammaanka Kadib Kal fadhiga 78-aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Kal fadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobay ayaa ka qabsoomay magaalada new York ee dalka ayaa, ahna xarunta Qaramada Midoobey, waxaana lagu doortay shan kamida xubna aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka.

Xubnaha la doortay ayaa kala ah Soomaaliya, Pakistan, panama, Giriiga, iyo Denmark, waxayna shaqadooda xubinimo u billaaban doontaa bisha January ee sanadka 2025.

Waa markii labaad mudo 52 sano ah Soomaaliya ay kursigan hesho waxaana arintan ay daliil u tahay soo kabashada ay Soomaaliya ka sameysay arimaha diblumaasiyada, amaanka iyo siyaasada.

Soomaaliya ayaa aheyd musharaxa kaliya ee ka socday Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada.

Soomaaliya ayaa soo ceshatay mansabka iyo saameynta ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka.

Madasha Golaha Ammaanka waa halka lagu jaangooyo Arrimaha muhiimka ee caalamka sida amniga, xasiloonida iyo siyaasadda

Soomaaliya ayaa qeyb ku yeelan doonta go’aanada waaweyn ee aduunka saameynta ku yeelanaya iyo jiheynta siyaasadda iyo ammaanka caalamka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this