Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda lix biloodka ah ee 2024

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1717683896365.jpg?resize=720%2C48

Maxdaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Shirkii Golaha Xukuumadda ee maanta hor keeyey Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024.

Shirka Golaha Xukuumadda Puntland waxa shir-gudoomiyey Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni oo uu weheliyo Mudane Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Golaha Xukuumadda ayaa dood iyo falanqeyn ka dib waxa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Miisaaniyadda ay horkeen Madaxda Wasaaradda oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud.

Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, ayaa dhan $207, 009, 112, waxayna korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore ee (Jan-June 2024).

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda lix biloodka ah ee 2024 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this