Deeq A. Posted June 6 Ciidamada Deegaanka ee Macawisleyda ayaa dilay Horjooge ka tirsanaa Al Shabaab kaasoo lagu magacaab jiray Farey Macalin Xasan waxaana lagu dilay inta u dhaxeysa deeganada Gal goof iyo Ceel-bacad sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Ciidanka ayaa sheegay in sidoo kale ay kasoo ka soo furteen qori AK-47 oo uu watay. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ninkaan Howlgalka lagu dilay uu qaabilsanaa kicinta dadka iyo qorista Caruurta yar yar ee Dugsiyada Quraanka dhigata. Ninkaan ayaa ku howlanaa maalmihii lasoo dhaafay qorista dhalinyarada ku biiraysa Al Shabaab ee deegaanka iyo sidoo kale kala furfurka ciidanka deegaanka ee halkaasi ku sugan kuwaasoo doonaya in ay Shabaab ka saaraan deegaanada ay uga hareen Galcad Sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka deegaanka. Ciidanka Macawisleyda oo taageero ka helaya ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites