Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Health Minister leads delegation to Buurtinle, Jalam iyo Kalabayr

Recommended Posts

sawir_guud2.jpg

W.Caafimaadka P/land oo qabatey kulan

1 Jun 1, 2010 - 12:12:23 PM

 

Sawir guud: Xarunta Wasaarada caafimadka Puntland

Shirkan ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimadka dawlada Puntland ee Garowe , waxaana kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Wasiiru dawlaha Maamul Wanaaga Maxamed Faarax Ciise , wafti heer caalami ah oo ka socdey Xafiiska WHO-EMRO, WHO Soomaaliya, Deeqbixiyeyaasha Caalamiga iyo Agaasimeyaasha Isbitalada guud iyo kuwa gaarka loo leyahay ee magaaloyinka Puntland, Kuliyadaha iyo Machadyada Caafimaadka iyo marti sharaf kaleeto.

 

Shirkan ayaa gabi ahaanba waxaa looga hadlayay oo uu ku saabsanaa Qorshaha xoojinta habka Caafimaadka Puntland shanta sano ee soo socota., waxaana soo qaban qaabisay W. Caafimaadka dawlada Puntland.

 

 

Dr.dhagacade__ Eng.Cabdishakuriyo_Dr.Cali Xasan

Dadka ka soo qaybgalay guud ahaan waxay gaarayeen boqol qof, Shirkuna wuxuu galinkii danbe 2:00pm iyadoo uu socdey ilaa 5:30pm galabnimo, shirka maantey ayaa gabi ahaanba ahaa soo jeedinta qorshayaasha W. Caafimaadka, Baahiyaha dalka ka jira iyo waxqabadka Wasaaradda, sidoo kale waxay Wasaaraddu fursad u siisay Isbitaalada guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Ururada Dhakhaatiirta iyo Kuliyadaha Caafimaadkuba inay soo bandhigaan waxqabadkooda iyo baahiyaha haysta. Waa markii ugu horeysay oo Wasaradda Caafimaadku shir cayn kan oo kale ah inta ay qabato hadana u yeerto Dhakhatiirta iyo madaxda Caafimadka Gobalada Puntland.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa si rasmi ah shirka u furey waxaana uu si diiran ugu soo dhaweeyey wafuuda kala duwan ee shirkan joogtey ee ka kala yimid meelaha fog, waxaana uu Wasiirku kasoo qayb galayasha uga warbixiyey Wasaradda iyo qorshayaasheeda dhanka Caafimaadka, baahiyaha jira iyo taageerada ay ka rabaan hay’adaha caalamiga ah ee Caafimaadka ka shaqeeya.

 

 

Wasiirka Cafimaadka Puntland

Dr. Cali Cabdullahi Warsame waxaa uu mahadcelin u soo jeediyey madaxa Xafiiska WHO Soomaaliya oo kasoo shaqeysay in wafuudan tirada badan inay Xarunta Wasaaradda soo xaadiraan, waxaana uu sheegay inay taasi ku timid qorshaha iyo nidaamka suuban ee ay Wasaaraddu la timid ayna doonayso inay dalka wax uga qabato kulana shaqeyso hay’adaha Caalamiga ah iyo deeq bixiyeyaasha.

.

Waftigan balaaran ee maantey soo gaarey Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa hogaminaysay Dr. Na’eema Al-Gasseer oo ah caawiyaha Agaasime Gobaleedka Xafiiska WHO-EMRO,

 

 

Dr.Marthe iyo Dr.Naeema

Dr. Na'ema mar ay ka hadashey shirka waxey hanbalyo iyo bogaadin usoo jeedisay Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, Agasimihiisa guud Dr. C/risaaq Xirsi Xassan iyo dhamaan shaqaalaha, waxayna haweenaydan sheegtay inay ku faraxsan tahay inay timaado Puntland ayna la kulanto dadkii hormuudka u ahaa Caafimaadka Puntland oo ay Wasaaraddu ugu horeyso.

.

Shirka maanta 1.06.2010 ka dhacay xarunta Wasaradda Cafimaadka Puntland gabi ahaantiis waxaa uu ahaa mid lagu soo bandhigayay baahiyaha Caafimaad ee dalka ka jira iyo waxqabadyada Wasaarada, Isbitalada guud iyo kuwa gaarka loo leyahay, waxaana xubin walba oo matalaysay urur ama Isbitaal ay soo bandhigeen waxqabadkooda iyo baahiyaha haysta.

 

 

Wasaradda Caafimaadka ayaa iyadu soo bandhigtey waxqabadkeedii hore iyo kan cusub intii la dooortey Wasiirka cusub, iyadoo agaasimaha cusub sidoo kale soo bandhigey baahiyaha jira.

 

Gabagabadii shirka ayaa waxaa hadalkii xiritaanka la siiyey Wasiiru dawladaha Maamul wanaga Puntland Maxamed Farax Ciise Gaashan oo isaguna soo dhaweyey Waftiga calamiga ah, waxaana uu sidoo kale u hanbalyeeyey Wasaradda Caafimadka iyadoo uu markaasna ku dhawaaqey in shirku xiran yahay.

 

Cabdulqaadir Warsame Yuusuf

Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Xarunta Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:Wasiirka Caafimaadka iyo Wafti Caalami ah oo uu hogaaminayo oo booqdey Xarumaha Caafimaadka Buurtinle, Jalam iyo Kalabayr oo dhamaantood ka tirsan Gobalka Nugaal..(Warbixin).

2. juni 2010

 

Buurtinle :(Allpuntland)- Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa maantey tagey degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal,Waftiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa waftigii ka socdey WHO EMRO iyo deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah, waxaana ujeedka booqashada Buurtinle ay ahayd u kuur galida xaalada Caafimaad ee deegaankaas, waxaana wasiirku ugu talagalay in waftiga Caalamiga ah ay soo tusaan baahiyaha Caafimaad ee ka jira Gobalka Nugaal.

 

Kollanyada gaadiidka waftiga ayaa ka anbaxay magaalada Garwe hiirtii waaberi, waxayna sii mareen magaalooyinka Kalabayr iyo Jalam, halkaas oo ay booqdeen MCH-yada hooyada iyo dhalaanka, waxayna waftiga Wasiirku hogaaminayay ay warbixin ka qaateen maamulayaasha MCH-yada Kalabayr iyo Jalam, iyadoo dhibaatooyinka haystana ay sheegeen inay u badan yihiin adeeg caafimaadka oo aan ku filnayn, Sheybaaro la’aan iyo waliba shaqaalaha Caafimaadka oo iyana ku yar goobaha Caafimaadka ee Kalabayr iyo Jalam.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame iyo Madaxa Waftiga WHO-EMRO Dr. Na’eema Al-gasseer ayaa la hadley bulshada labada deegaan, waxayna u sheegeen in Caafimaadku uu yahay baahida aasaasiga ah, loona baahan yahay in xoojintiisa laga wada qaybqaato,Booqashadooda ayay tilmaamtey inay muhiimad weyn u leedahay, iyadoo sheegtey in Wasaaradda Caafimaadka ay kala shaqeyn doonaan baahiyaha haysta waxna ay ka qaban doonaan iyadoo ay soo marin doonaan wixii taageero caafimaad ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo iyadu ku hawlan waxka qabashada Caafimaadka dalka.

 

Waftiga ayaa markaas u gudbey Degmada Buurtinle oo ah halka booqashadoodu ku ekeyd, waxaana waftiga lagu soo dhaweeyey Buundada Saddex qoley , halkaas oo ay isugu tageen Maamulka degmada Buurtinle iyo Odayaasha degmadu, soo dhaweyntan waxay ahayd mid balaaran waxaana waftiga Wasiirku hogaaminayay ee heerka Caalami ahaa ay salaan ka qaateen bulshada reer Buurtinle oo isku dhafan, iyadoo markaasna loo dhaadhiciyey Waftiga Magaalada, iyadoo la geeyey dhul loogu talagalay in laga dhiso xarun Caafimaad, waxayna dadweynaha reer Buurtinle ay Waftiga Wasiirku hogaaminayay ku sharfeen inay xarunta Caafimaadka u dhagax dhigaan.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, Madaxa Waftiga dhanka Caafimaadka ah ee Puntland soo gaarey Dr. Na’eema Al-gasseer iyo Prof. Maxamed Jaamac Salaad ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Caafimaadka Degmada Buurtinle, waxaana xaruntan ay tahay mid ay bulshada Buurtinle dhisanayso.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa ugu hanbalyeeyey bulshada Degmada Buurtinle dadaalkooda wadajirka ah ee ay wax ku wada qabsanayaan, waxaana uu sheegay in arintan ay tahay arin cajiib ah oo ku dayasho mudan,Dr. Na’eema Al-gasseer ayaa iyaduna aad ugu faraxday sida loogu sharfey waftigooda Caalamiga ah iyo Wasiirka Caafimaadka dhagax dhigan xaruntan bulshada reer Buurtinle ay dhisanayaan, waxayan sheegtey in dhismayaasha noocan oo kale ah ay yihiin kuwa ugu ajarka badan, iyadoo ay ku tilmaamtey sadaqo jaariya.

 

Waftigu waxay markaas booqdeen labo xarumood oo MCH-yo ah oo ku yaal labada koone ee magaalada Buurtinle, waxaana goobahan ka socotey shaqo aad u balaaran, iyadoo ay ku sugnaayeen dad aad u faro badan oo bukaan ah isuguna jiro caruur iyo hooyooyin uur leh, waxaana waftigu ugu hanbalyeeyeen shaqaalaha labada xarumood inay hawsha siiwadaan, waxayna warbixino kooban ka dhagaysteen labada MCH, iyadoo ay markaasna qolalka xarumaha galeen iyadoo ay soo arkeen hooyooyin halkaas lagu dhalinayay iyo kuwo dhalay oo nasasho u joogey.

 

Waftigu waxay sidoo kale tageen Barkadaha biyaha laga cabo ee degmada Buurtinle, waxayna halkaas ku soo arkeen biyaha dadku ay cabaan iyo kanaalada ay soo maraan, Barkadaha Biyaha laga cabo ee Buurtinle ayaa waqti fog la dhisay, waxaana soo gaartey Magaalada iyadoo kanaalada biyuhu ay soo maraana ay ka muuqdeen qashin aad u badan, waxaana ay dadku cabaan biyaha soo mara kanaaladaas, iyadoo khatarta cudurada biyaha ka dilaacana ay marar ka dilaacaan degmada waqtigana ay halis u yihiin cuduradaas maadaama lagu jiro xili roobaadkii.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi iyo Dr. Na’eema Algasseer ayaa halkaas kula hadley bulshada reer Buurtinle, waxaana Wasiirka Caafimaadku uu u sheegay Bulshada inay waftiga Caalamiga ah u soo bandhigaan baahiyaha haysta, isagoo tilmaamay in waftigan uu yahay mid balaaran isuguna jira Ururka WHO-EMRO oo ka shaqeeya Caafimaadka 22 wadan oo Carab ah Soomaaliya ay ka mid tahay, WHO Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha.

Dr. Na’eema Al-gasseer ayaa iyaduna halkaas ka hadashey waxayna sheegtey inay ku faraxsan tahay inay Buurtinle timaado, iyadoo tilmaamtey in waxyaabihii ay u yimaadeen inay arkeen ayna doonayaan inay maqlaan codka odayaasha deegaanka.

 

Odayaasha iyo Maamulka Degmada Buurtinle ayaa iyaguna hadley, waxayna uga mahadceliyeen wasiirka Caafimaadka Puntland dadaalka uu ku doonayo inuu wax kaga qabto Caafimaadka Puntland, waxayna sheegeen in Wasiirku uu yahay masuulkii ugu horeeyey ee ay ka arkaan dadaal waxqabad leh, waxay sidoo kale gacmo furan ku soo dhaweeyeen waftiga Caalamiga ah ee Wasiirka la socdey iyadoo ay sheegeen in waftigan uu yahay kii ugu balaarnaa ee u yimaada.

 

Dadweynaha Buurtinle waxay ka codsadeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha Caalamiguba inay wax kala qabtaan dhibaatooyinka Caafimaad ee deegaankooda ka jira, waxayna tilmaameen inay baahiyuhu badan yihiin, ayna diyaar u yihiin ka bulsho ahaan inay iyagu wax qabasadaan, taasna waxay ku muujineen xarunta Caafimaad ee ay dhisanayaan.

 

Waftiga ayaana u balan qaadey bulshada inay la shaqeyn doonaan ayna mar walba soo booqan doonaan degmada Buurtinle, waxaan markaas soo gabogaboobey booqashadii balaarneyd ee waftigu ay saakay ugu anbabaxeen Degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal, waxayna waftigu markaas dib ugu soo noqdeen magaalada Garowe ee xarunta Puntland halkaas oo safarkoodii uu saakey ka bilawdey.

 

Ka sokow waftiga balaaran ee uu Wasiirku horkacayay ee tagay Buurtinle, waxaa jirey qayb ka mid ah Waftiga oo iyana booqdey Xarumaha Caafimaadka ee Caasimada Garowe, waxaana raca waftigan ee Garowe booqashadooda ku waheliyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdirsaaq Xirsi Xasan, Wasiiru dawlaha Maamul Wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan iyo madax kale, waxaana waftiga Garowe ee caalamiga ah hogaaminaysay kormeerkooda goobaha Caafimaadka Madaxa Hay’adda WHO Soomaaliya Dr. Marthe, waxaana goobaha ay booqdeen ka mid ah Isbitaalka Guud ee Garowe oo uu hadda dayactir ka socdo, Xarunta Hooyada iyo dhalaanka Waaberi, Xarunta Dadka dhimirka qaba iyo Machadka Caafimaadka.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdi Heer Caalami Ah oo Booqdey Magaalada Burtinle (Sawiro)

June 2, 2010 Wasiirka Caafimaadka iyo Wafti Caalami ah oo uu hogaaminayo oo booqdey Xarumaha Caafimaadka Buurtinle, Jalam iyo Kalabayr oo dhamaantood ka tirsan Gobalka Nugaal

 

Buurtinle : Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa maantey tagey degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal.

 

Waftiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa waftigii ka socdey WHO EMRO iyo deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah, waxaana ujeedka booqashada Buurtinle ay ahayd u kuur galida xaalada Caafimaad ee deegaankaas, waxaana wasiirku ugu talagalay in waftiga Caalamiga ah ay soo tusaan baahiyaha Caafimaad ee ka jira Gobalka Nugaal.

 

Kollanyada gaadiidka waftiga ayaa ka anbaxay magaalada Garoowe subaxnimadii maanta (02 June 2010), waxayna sii mareen magaalooyinka Kalabayr iyo Jalam, halkaas oo ay booqdeen MCH-yada hooyada iyo dhalaanka, waxayna waftiga Wasiirku hogaaminayay ay warbixin ka qaateen maamulayaasha MCH-yada Kalabayr iyo Jalam, iyadoo dhibaatooyinka haystana ay sheegeen inay u badan yihiin adeeg caafimaadka oo aan ku filnayn, Sheybaaro la’aan iyo waliba shaqaalaha Caafimaadka oo iyana ku yar goobaha Caafimaadka ee Kalabayr iyo Jalam.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame iyo Madaxa Waftiga WHO-EMRO Dr. Na’eema Al-gasseer ayaa la hadley bulshada labada deegaan, waxayna u sheegeen in Caafimaadku uu yahay baahida aasaasiga ah, loona baahan yahay in xoojintiisa laga wada qaybqaato.

 

Booqashadooda ayay tilmaamtey inay muhiimad weyn u leedahay, iyadoo sheegtey in Wasaaradda Caafimaadka ay kala shaqeyn doonaan baahiyaha haysta waxna ay ka qaban doonaan iyadoo ay soo marin doonaan wixii taageero caafimaad ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo iyadu ku hawlan waxka qabashada Caafimaadka dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka1_1.jpg

 

Somalia:Puntland Health Ministery holds consultative conference

3 Jun 3, 2010 - 12:32:09 AM

 

A well-organized health conference was held Tuesday in Somalia's semi-autonomous state of Puntland where health practitioners discussed achievements, failures and laid out the region’s five year health roadmap, Radio Garowe reports.

 

Attendees represented a wide-range of Puntland government officials led by Health Minister Ali Abdullahi Warsame, his assistant minister and state minister for Good Governance, representatives from international aid organization, WHO, local hospital workers, medical students, and other guests.

 

The Ministry of Health, which was the facilitator for the event held at the compound of the ministry in Garowe, the administrative capital of Puntland, outlined its success and ambitions for the next five years.

 

Minister Warsame thanked the WHO Somalia office represented in the meeting by regional assistant Dr. Na’eema Al-Gasseer for its unwavering support in the health sector.

 

He said that even though the ministry has achieved a substantial realization in the sector, a lot needs to be done along with improving health care .

 

Dr. Al-Gasseer took the opportunity to thank the region and in particular the Health Ministry for its warm welcome before relying the world health agencies message of cooperation to Puntland.

 

Since his appointment recently, the new Health Minister, has worked on accelerating efforts aimed at improving health services in Puntland. Implementing good health programs in the region is among the top agendas of President Abdirahman Mohammed Farole’s government.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this