Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Koonfureed iyo Madaxda Afrika oo kala saxiixday ilaa 50 heshiis

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1717602207642.jpg?resize=720%2C48

Ku dhawaad 50 heshiis ayaa la kala saxiixday intii uu socday shirkii ugu horreeyay ee South Korea oo ay la yeelatay hoggaamiyeyaal ka socda 48 dal oo Afrikaan ah.

Shirkan ayaa daaranaa sidii Africa iyo South Korea ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada sida macdanta, tamarta iyo wax soo saarka.

Sida ay sheegtay wasaaradda warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed Arbacada maanta ah, Shirkadda Hyosung Corp oo ah shirkad laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa saxiixday qandaraas ay ku siinayso qalab koronto oo ku kacaya $30 milyan dalka Mozambique.

Wasaaradda warshadaha ee kooriyada Koonfureed ayaa sidoo kale heshiisyo iskaashi ah oo ku saabsan macdanta muhiimka ah la saxiixatay Madagascar iyo Tanzania si loo sugo saadka warshadaha sameeya baytariyada.

Sida lagu sheegay bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed, 47-ka heshiis ee lala galay 23 dal oo Afrikaan ah ayaa la saxiixay intii uu socday shir-madaxeedka.

Kuuriyada Koonfureed oo ah dalka afaraad ee ugu dhaqaalaha badan Aasiya ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysto macdanta iyo suuqa weyn ee wax dhoofinta Afrika.

PUNTLAND POST

The post Kuuriyada Koonfureed iyo Madaxda Afrika oo kala saxiixday ilaa 50 heshiis appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this