Sign in to follow this  
Liqaye

Qeybta Guud ee Isbitaalka Siyaad Dheryo-Dhoob oo Laga Faraxashay

Recommended Posts

Liqaye   

Ceelgaras, Nov, 30, 2008 (COL) Waxaa farxad weyn inoo ah in aan halkaan ugu soo gudbino dhammaan bahweynta Dooxa ee dalka iyo dibadiisaba ku dhaqan ee ka qeyb qaatay horumarka deegaankooda, gaar ahaan dhismaha isbitaalka weyn ee Siyaad Dheryo-Dhoob sawiradii ugu dambeeyay oo muujinaya dhammaadka Qeybta Guud ee isbitaalka.

 

BlockA1.JPG

 

In kastoo aysan tani la macno ahayn in uu dhammaaday dhammaan dhismihii isbitaalka, haddana waxa ay tusaaleyneysaa in aysan ummadi u baahneyn in ay tujaar wada ahaato oo dad yar oo dan yar ah oo isu tagay ay wax weyn qaban karaan ama ay is bedel weyn sameyn karaan.

 

BlockA5.JPG

 

"Waxaa Eebe noo fududeeyay in aan dhinac iska marino qeybtii ugu weyneyd isbitaalka" ayuu yiri mas'uulka dhismaha isbitaalka Maxame C. Iidow. "Waxaanse rajeyneynaa in aan iyana xooga saarno qeybaha inoo haray walow ay howsheennu ku xiran tahay dhaqaalaha inasoo gaara."

 

BlockA2.JPG

BlockA6.JPG

 

Guriga labaad ee ah Qeybta Hooyada iyo Dhallaanka oo iyana lagu wado dhisme ayaa ku dhow ****ol-saarkii. Kadibna sidii qeybtii hore oo kale ayay in muddo ah qaadan doontaa in la dhameystiro.

 

BlockA11.JPG

 

BlockA11.JPG

 

Mar uu Guuddoomiyaha Hay'adda Samafalka Dooxa Bashiir Ilkaweyne nala xiriiray ayaa waxa uu inoo sheegay in qeybta Hooyada iyo Dhallaanka loo qabo baahi weyn. Dumarka iyo carruurtuna ay yihiin kuwo u nugul dhibaatada caafimaad ee ka jirta deegaanka.

 

BlockA8.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this