Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo Baarlamaanka dalkeeda horgeesay heshiiskii ay la gashay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka gaadiidka iyo saadka ee dowladda Itoobiya, Alemu Sime, ayaa shalay baarlamaanka dalkiisa horgeeyay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, heshiiskaas oo ku saabsan, in Itoobiya ay deked iyo saldhig militari ka hesho badda cas.

Alemu Sime, ayaa xildhibaanada u sheegay in heshiiskii is-afgaradka ahaa (MoU) ee Itoobiya iyo Somaliland ee January 01 uu ka dhigan yahay heshiis dhab ah oo Itoobiya ka caawinayo helitaanka marin-badeedka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee dawladda Federaalka Itoobiya H.E Alemu Sime, ayaa sheegay in Heshiiska dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waddankiisu ahmiyad weyn u leeyahay isku-xidhanka iyo horumarka geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Reysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa saxeexay is-faham Taariikhi ah oo dhex maray labada dal bishii Janaury ee sanadkan, kaas oo ku taxaluqa inay heshiis rasmi ah ku gaadhaan is-dhaafsi danneed oo uu dhinac waliba fursad muhiima ka raadinayo.

H.E Alemu Sime, khudbad u jeedinayey Baarlamanka dalkiisa maalintii shalay ayaa heshiiska is-faham ku tilmaamay mid bog cusub u furaya geeska Afrika.

“Heshiiska Is-fahamka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya waxa uu furi doonaa bog cusub oo iskaashi oo muhiimad weyn u leh isku xidhka Geeska Afrika” ayuu yidhi Alemu Sime.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa guddiyo farsamo u saaray dhamaystirka heshiis rasmi ah oo laga gaadho iskaashiga labada dal iyo xudunta isfahamka oo ah inay Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this