A_Khadar Posted February 1, 2010 Buuro Wadal (Lasanod Online)- Isimada ayaa hal gogol kuwada fadhiya iyadoo shirarkoodii uu si toos ah uu u bilowday saaka, ilaa maanta waqtigii salaada duhur aan loo kala kicin ilaa hadana uu socdo.. Shirkan isimada uga socda degmada Buuro Wadal ayaa ah shir dabada layskaga raacinayo shirkii isimada Holhol kaasoo go'aan ka gaadhidiisa ay halkan kusoo gebagebaynayaan. Isimada oo ka wada yimi degmada Holhol ayaa waxaa ka maqnaa Garaad Jaamac Garaad Cali, kaasoo ahayd sababta dib u dhigtay qodobada kasoo bixi lahaa shirkii Holhol,balse Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa kusugan madasha shirka. Waxaa si wayn loo sugay amaanka goobta shirku kla dhacayo ee degmada Buuro Wadal iyadoo amaanka ay sugayaan ciidamo gaara, Waxaa meel fog laga celinaya cid alaale cidii isimada usocota inta uu shirku socdo,waxaana madasha shirku ka dhacayo ku sugan Isimada oo keliya. Saxaafada ayaa banaanka ka joogta shirkan oo ah mid albaabadu u xidhanyihiin, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ahaa isimkii ugu danbeeyay ee soo gaadha madasha shirku ka socdo iyadoo Garaadka si wayn loogu soo dhaweeyay madasha. Shacabka SSC gudo iyo dibadba ayaa si wayn isha ugu haya Go'aanada kasoo baxa shirkan iyadoo isimadu ay sheegeen in shirkan uu yahay mid ay kasoo bixi doonaan wax dan u ah shacabka SSC. Waxaa si toos madasha Shirka idiinka soo gudbinaynaa Warbixinaha Iyo Sawirada iyo sidoo kale codadka iyadoo waqtigan ay isimadu ka cudurdaarteen inay wax waraysiya bixiyaan. Pictures Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 1, 2010 Buuro Wadal,(Lasanod Online)-Shirkii isimada SSC ayaa maalintii 2aad ka socda degmada Buuro Wadal, iyadoo isimadu ay leeyihii kulamo isdaba jooga. Waxaan ilaa iyo hada la ogayn halka uu marayo wada hadalada isimadu kadib markii saxaafadu ay shirka dibad joog ka noqotay. Isimada ayaa arrintan ku tilmaamay mid ay doonayaan in ilaa waqtiga ay ka gaadhayso ka gun gaadhida shirkooda aanay jirin wax hadala oo dibada uga baxaya. Qaar kamid ah isimada oo aan saaka la kulanay iskuna daynay in aan wax ka waydiino halka wax u marayaan ayaa noo sheegay in ay isimadu is dhaarsadeen, iyagoo isku dhaariyay in cid warami karta ama dibada hadal gayn kartaa aynan jirin ilaa inta shirku dhamaanayo. Arrintan ayaa ah mid ku cusub shirarka isimadu horey u lahaan jireen taasoo isimadu horey ugu sheegeen in shirkan uu yahay mid ka duwanaan doono kuwii horre talaaboyin midho dhalana laga soo saari doono. Isimada ayaa dhamaantood iska xaadariya quraacda kadib hoolka shirku ka soca iyadoo dadka isimada la socda sida cuqaasha,odayaasha iyo sidoo kale saxaafada meel aad uga fog hoolka la geeyo taasoo isimadu si wayn uga taxadiraan in aan cidi usoo dhawaan. Isimada ayaa hadal urruursan ku sheegay in gebagebada shirkan ay saxaafada u warami doonaan, balse inta ka horaysa aanay wax wara dhiibayn. Shirkii saaka ayaa ah mid laba weji leh kadib markii 5 isimada kamid ah qol gooniya loo saaray kuwaasoo jeexayay ajandaha maanta isimadu ka wada hadlayaan qadar dabadiina isimadii ajandahaas loo diray waxay soo diyaariyeen ajandihii iyagoo guud isimadiina ay ku wada xaadireen hoolkoodii shirka. Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in lagu soo gebagabeeyo shirkan iyadoo shirkan ay kasoo bixi doono qodobo iyo go'aamo kama danbays ay ku tilmaameen isimadu. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites