Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Soo Xiray Tartanka Koobka Naadiyada Gobollada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta soo xiray Koobka kubadda cagta Naadiyada heerka koowaad ee Gobollada Puntland, isagoo daawaday Ciyaarta kama danbeysta ah Final-ka Koobka oo ay isugu soo hareen Kooxaha Homboboro FC iyo Comsed FC, wuxuuna Koobka guddoonsiisay Kooxda Homboboro FC oo ku guuleysatay Gool-Ku-Laad.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Ciyaaraha, taageerayaasha iyo dhammaan dhinacyadii kala shaqeeyay sidii wanaagsaneyd ee Koobka u qabsoomay.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Kooxda kubadda cagta ee Homboboro FC oo ku guuleysatay Koobka Horyaalka Naadiyada Heerka koowaad ee Puntland, sidoo kale waxaan boggaadinaya Kooxda Comsed oo iyana dadaalay oo galay kaalinta labaad ee tartanka.

Sharaf ayeey ii ahayd inaan ka qeybgalay oo daawaday ciyaartii kama danbeysta aheyd, waana ku faraxsanahay horumarka dhinaca Ciyaaraha ee socda, Ciyaaruhu waa is dhexgal bulsho waxayna ka qeyb qaataan nabadgelyada iyo horumarka bulshooyinka.

Dowladdu muhiimad gaar ah ayeey siisay dhallinyarada , waxaanuna u sameynay Wasaarad gaar u ah arrimaha dhallinyarada iyo Ciyaaraha , waan boggaadinaya Wasaaradda, Xiriirka Ciyaaraha, Kooxaha ka qeybgalay tartanka, taageerayaasha , garsoorka iyo dhammaan dhinacyada ka wada qeyb qaatay Koobka.
Hambalyo“ Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda xiritaanka Koobka naadiyada horyaalka Gobolada Puntland, waxaa kala qeybgalay Madaxweynaha , Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hodan Saciid, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Duqa Caasimadda Garoowe , Xiriirka Ciyaaraha, Lataliyeyaal iyo martı sharaf kale .

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this